Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ciidamada Dowlada Ruushka oo la wareegay Gobolka Crimea ee dalka Ukraine.

Ciidamada Dowlada Ruushka ayaa si buuxda ula wareegay gobolka Crimea ee Ukraine ee ay ku badan yihiin dadka ka soo horjeeda dowladda KMG.

Arrintan ayaa imaanayso iyadoo taliyihii ciidammada badda ee Ukraine xilka laga qaaday kaddib markii uu sheegay inuu daacad u yahay dowladda cusub ee Ruushka taageersan ee gobolkaas.

Dowladda KMG ee Ukraine ayaa amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo Denis Berezovsky oo loo haysta khayaano qaran.

Waddamada 7-da ee adduunka ugu horumarsan ayaa ugu baaqay Ruushka inuu ka baxo dalka Ukraine.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ciidammada Ruushka ay isku fidinayaan Jasiiradda Crimea.

Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin ayaa is ka dhagatiray baaqyada caalamiga ah ee ah inuu ciidammadiisa kala baxo Ukraine.

Waxaa uu sheegay in Ruushku uu xaq u leeyahay inuu difaaco danaha uu ka leeyahay dalkaas.

Midowga Yurub:-

Midowga Yurub ayaa ku shiraya magaalada Brussels ee dalka Belgium waxaa uuna ka hadlayaa qalalaasaha ka taagan Ukraine.

Toddoba ka mid ah sideedda dal ee ku bahoobay G-8 ayaa cambaareeyay Ruushka, waxay sheegeen in aanay ka qeybgali doonin shirka G-8 oo la filayay in lagu qabto magaalada Sochi e Ruushka.

Ruushka oo kaliye ayaa ka maqan warbixin ay si wada jir ah u soo saareen toddoba ka mid ah sideedda dal ee adduunka ugu awoodda weyn.

Waxay sheegeen inay kaalmo dhaqaale siin doonaan dalka Ukraine.

Ruushka ayaan ilaa haatan aqoonsanayn dowladda KMG ee Ukraine kaddib dibedbaxyadii xukunka looga tuuray madaxweynihii sida dimuqraadiga lagu soo doortay ee Viktor Yanukovych.

Qalalaasaha ayaa dalkaas ka billawday kaddib markii madaxweynihii xilka laga tuuray uu diiday heshiiyo dhaqaale uu la saxiixan lahaa Midowga Yurub, isagoo baddelkeedii u leexday dhanka Ruushka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
RUUSH


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles