Isniin 03 March, Garowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo todobaad ah safar ku maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar, Gudoomiyaha Barlamanka Mudane Siciid Xasan Shire, wasiiro, xildhibaano, masuuliyiinta kala duwan ee dowladda, haween iyo dhalinyaro ayaa Garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wafdiga la socday.
Ka dib salaan sharafta kooxda Baambeyda iyo cutub ka mida Daraawiishta ay siiyeen ayaa madaxweynahu war-fidiyeenka iyo golayaasha dowladda uga warbixiyay socdaalkiisi dalka Ethiopia.
Xiriirka walaaltinimo, amaan, dhaqan & Dhaqaale ee u dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia ayuu madaxweynuhu sheegay inay ka wada hadleen masuuliyiinta dalkaasi oo la sii horumariyo.
Dowladd deegaanka Somalida Ethiopia ayuu sidoo kale soo hadal qaaday madaxweynuhu oo uu sheegay in waxyaabo badan kala dhaxeeyaan Puntland islamarkaasina yihiin isku xiraha Puntland & Ethiopia.
La-dagaalanka kooxda Al-shabaab iyo wiiqida awoodooda ayaa ka mid ahaa sidoo kale qodobadii ay ka wada hadleen labada dhinac kulamadii ka dhacay Addis Ababa todobaadkii tagay.
Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland.