Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

M/weynaha DF oo Guryo ka kala Iibsaday Muqdisho iyo Turkiga iyo Dowladii Lacagta Bixisey oo lasoo ogaadey.

$
0
0

Madaxweynaha-Soomaaliya-Xasan-Sheekh-Maxamuud-21-620x3301Madaxweynaha Dowlada federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa guryo aan tiro lahayn ka kala iibsaday Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha ayaa Hantidii Qaranka Soomaaliyeed u isticmaalay Danihiisa Gaarka ah isagoona Guryo qaali ah ka kala Iibsaday Magaalada Muqdisho iyo Magaalo loo Dalxiis tago oo ku taal Dalka Turkiga,Magaaladaas oo lagu Magacaabo Antaakiya.

Sida aad ka arki  Doontaan Dukumentiga Waxa ku Cad qiimaha Lacagta iyo Shakhsiga Guriga iibsaday,Shakhsigaas oo ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud wuxuuna ka iibsaday Ganacsade Turki ah oo lagu Magacaabo Mustafa Boydak.

00guri2

Dukumentigan waxa ku xusan in guriga lagu iibiyay aduun lacageed oo Gaaraya  923,560 Sagaal Boqol Labaatan iyo Sadex kun iyo Shanboqol iyo Lixdan Doollar.

waxaa iyana qeybta hoose ee qoraalkan ku lifaaqan Turkish title deed ama warqada milkiyada guriga taaso cadeyneysa milkiilaha guriga iyo waqtiga la iibiyay.

My.Turkish Home property company ayaa iyaduna website keeda ku shaacisay inay gaday guri mudooyinkan ay ku xayeesinesay website keeda , inkastoo website-ka shirkada aanu xusin milkiilaha gatay guriga , hadana waxaa lagu qoray inuu gurigan iibsaday siyaasi Somali ah.

00guri1

Dowladii Bixisey Lacagta lagu Iibiyey Guriga Turkiga ku Yaal:-

Dowlada Nayjeeriya ayaa ahayd Dowladii Bixisey Lacagta lagu iibiyey Guriga Turkiga ku yaal,waxaana Lacagta Dowlada Nayjeeriya kasoo dhamaysay ugagana soo qaaday Magaca Umadda Soomaaliyeed Fowsiyo Xaaji Aadan oo xiligaas ahayd Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya.

Lacagta Dowlada Nayjeeriya ay ku Bixisey Magaca Umadda Soomaaliyeed ayaa dhamayd Aduun Lacageed oo Gaaraya 100,000 Hal Miylan oo Doolarka Maraykanka Ah.

Boqol kun oo ka mid ah Halka Milyan Waxa lasiiyey Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Nayjeeriya oo iyagu Fowsiyo Xaaji Aadan iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud u fududeeyey qaabkii Lacagtan lagu heli Lahaa amase looga soo dhamayn Lahaa Madaxda Sar Sare ee Dowlada Nayjeeriya.

Sagaalkii Boqol(900,000$) ee ka haray Lacagtii Halka Milyan ahayd Waxa lagu daray Lacag ku dhow 24,000$ Waxa lagu iibiyey Guriga Turkiga ku Yaal,iyadoona ay Lacagtaasi ahayd Lacagtii lagu soo qaaday Magaca Umadda Soomaaliyeed,taas oo ay Kumanaan qof oo Soomaali ah ay ka qatan yihiin amase ay ka Baahan yihiin Xiligan.

02

 Guryaha Muqdisho:-

 Madaxweyne  Xasan Shiikh Maxamuud kuma uusan ekaan Guryaha uu qurbaha ka iibsanayo ee Magaalada Muqdishona waxa uu ka iibsaday Guryo iyo Dhulal  Banaan oo Faras Magaale Ah,kuwaas oo uu ka bixiyey Lacago aad u Badan,lacagahaas oo ah Lacagtii Umadda Soomaaliyeed Caalamku ugu Deeqay.

1-Labo Guri oo ka mid ah Guryaha Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Muqdisho kaga  iibsaday Lacagtii Umadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu Midkiiba ka Bixiyey Lacag dhan 650,000$ Lix boqol iyo Kontonkun oo Doolar Wuxuuna ka iibsaday Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Magacaabo Cali Xaaji Iimaan,Waxayna Labada Guri qiimahoodu noqonayaa marka la isku daro Aduun Lacageed oo gaaraya 1300,000, Halmilyan iyo Sadex Boqol oo Kun oo Doolar.

2-Guriga Labaad ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Muqdisho kaga iibsaday Lacagtii Umadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka bixiyey Lacag dhan 350,000$ Sadex Boqol iyo Kontonkun oo Doolar,Wuxuuna ka iibiyey Muwaadinad Soomaaliyeed oo Lagu Magacaabo Faadumo Cade oo Magaalada Muqdisho si weyn looga yaqaano.

3-Dhulka Banaan ee Faras Magaalaha ah ee uu Madaxweynuhu ku iibsaday Hantidii Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxa ka mid ah Dhul Banaan ee ku dhegan Daarta Cusub ee Dahabshiil ee tire Biyaano,Dhulkaas oo uu ka bixiyey Lacag Dhan 350,000$ Sadex Boqol iyo Konton kun oo Doolar.

Guryaha Madaxweynuhu Muqdisho ka iibsaday ayaa kala iibin doonta Waxa Madaxweynaha Wakiil uga ahaa  Gaashaanle Sare Cabdullaahi Macalin Nuur.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles