Khilaaf Culus oo Sadex Geesood ah ayaa ka dhextaagan Masuuliyiinta Wasaarada Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland.
Khilaafkan oo mudo bil ku dhowaad ah soo jiitamayay ayaa Waxa uu u dhaxeeyaa Masuuliyiinta Kala Ah Wasiirka Wasaarada Dekedaha Dr.Cabdullaahi Jaamac Saalax,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Puntland Mudane.Cabdimajiid Samatar Jeegahool (Jaafaan) iyo Taliyaha Ciidanka badda Puntland Admiral. Cabdirisaaq Diiriye Faarax.
Khilaafka kowaad ayaa ka dhextaagan Wasiir Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Agaasime Cabdimajiid Samantar Jeegahool ,kaas oo salka ku haya Miisaaniyad Maaliyadeedkii Wasaarada oo uu agaasimuhu soo gudbin waayay Bishiin kowaad ee Sanadkan,iyadoona lagu tuhmayo Agaasimaha in Miisaaniyadii Maaliyada ee Bishii Kowaad ee Sanadka uu Musuq maasuq ku Sameeyey Agaasimuhu,iyadoona khilaafkani uu sababay in Wasiirka iyo Agaasimuhu ay gabi ahaanba wada shaqayn Waayaan,Dacwada Khilaafkooduna ay Gudubto Madaxda Sar Sare ee Puntland.
Agaamisamaha ayaa lagu Tuhmayaa in uu Lunsashaday Lacag Malaayiin Doolar Gaareysa oo kasoo xerootay Dekeda Weyn ee Magaalada Bosaaso,Lacagtaas oo uu Lunsaday Bishii Kowaad oo ku beegnayd Xili Doorashooyinka Puntland ay dhacayeen.
Khilaafka Labaad ayaa ka dhextaagan Wasiir Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral. Cabdirisaaq Diiriye Faarax,khilaafkaas oo ka dhashay Ciidanka Badda Puntland Wasaarada ay Hoos imaanayaan amase ay Amarkeeda ku shaqayn Doonaan.
Wasiirka Dekedaha Puntland Dr.Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa Asbuucan Gudihiisa Safar Deg Deg ah ku tegay Xarunta Ciidanka Badda Puntland ay ku Leeyihiin Tuulada Qaw ee Duleedka Galbeed ee Magaalada Bosaaso,halkaas oo uu kula kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral.Cabdirisaaq Diiriye Faarax.
Wasiirka ayaa Taliyaha Ciidanka ka Codsaday in uu soo Gudbiyo Tirada Ciidanka iyo Agabka Ciidan ee ay ku Howlgalaan ,si Wasaarada loogu diiwaan geliyo,balse taas waxa Gaashaanka u daruuray Taliye Cabdirisaaq ,isagoona sheegay in Ciidanka Badda Puntland ay yihiin Hay”adda Amni oo ka Madax Banaan Wasaarada Dekedaha,ayna si toos ah u Hoos tagaan Madaxtooyada Puntland,Mushaharkoodana ay Bixiso Dowlada isu taga imaaraadka Carabta.
intaas ka dib Wasiirka ayaa Taliyaha ku Wargeliyey in Sida Sharcigu yahay Ciidanka Badda Puntland ay Hoos imaan doonaan Wasaarada Dekedaha,balse hadalka Wasiirka Taliyuhu kuma qancin.
Sida Sharciga Puntland dhigayo Ciidanka Badda Puntland Waxay Hoos imaanayaan Wasaarada Dekedaha ,balse intii Dr.Faroole xilka hayay Ciidanka Badda Puntland waxay ahaayeen Hay”ad Amni oo si toos ah u hoos tagta Madaxtooyada Puntland,Waxaana si hoose u Maamuli jirey dhaqaalaha iyo Agabka Ciidanka Khadar Cabdiraxmaan Faroole iyo Taliyaha Amardiida sameeyey ee hada haya xilka Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo kasoo jeeda Gobolka Nugaal.