Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Beesha reer Xaaji Saleebaan ee H/Gidir oo xilkii ka qaaday Nabadoon Axmed Diiriye doortayna Nabadoon Cusub.

$
0
0

beeshaBeesha reer Xaaji Saleebaan oo ka mid ah beelaha Habargidir ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay xilka uga qaadeen Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyagoona doortay hoggaan cusub.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad, Nabadoon, odayaal dhaqameed, ganacsato, culumaa’udiin iyo rag caan ah ayaa looga dhawaaqay in xilkii hoggaanka beeshaasi laga qaaday Nabadoon Axmed Diiriye Cali, kaddib markii goobta laga sheegay sababta keentay in xilka laga qaado.

Nabadoon Cabdi Faarax oo ka mid ah waxgaradka beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa sheegay in sababta xilka looga nabadoon Axmed Diiriye ay ka mid tahay kaddib markii uu faraha la galay arrimo siyaasadeed, dhismo maamul goboleedyo iyo falal kale oo aanay beeshu xamili karin.

“Axmed Diiriye waxa uu faraha la galay arrimo siyaasadeed iyo howlo aanay beeshu xamili karin” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Faarax oo intaasi raaciyay in beesha reer Xaaji Saleebaan ay u doorteen inuu hoggaamiyo beesha Nabadoon Maxamed Liibaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in hoggaanka cusub aanu wax siyaasad ah faraha la gelin.

Dhinaca kale waxaa goobtaasi ka hadlay Ex-Xildhibaan Maxamed Jaamac Furux oo sheegay inay soo dhoweynayaan hoggaanka cusub ee ay dooratay beesha reer Xaaji Saleebaan, wuxuuna ku booriyay dhammaanba beesha inay xilka kula garab gasho iyo sidii uu howlihiisa u gudan lahaa.

Hoggaamiyaha cusub ee beesha reer Xaaji Saleebaan Nabadoon Liibaan oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Soomaalida maanta jirta ay isugu jiraan kuwo xil-doon ah iyo kuwo xal doon ah, hase yeeshee isagu uu noqonayo qofka raadiya xalka, isla markaana aanu ka shaqeyn doonin wax siyaasad ah iyo arrimo ka baxsan howlihiisa dhaqanka.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles