Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay magaalada Bangui ee Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

$
0
0

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa booqashadii labaad ku tagay Jamhuuriyada Afrikada Dhexe, tan iyo markii uu ciidamo u diray, si ay u soo celiyaan nabadgelyada iyo xasiloonida.

Ciidamada Faransiiska ayaa hogaaminaya howl galka Qaramada Midoobey ee ka bilowday Jamhuuriyada Afrikada Dhexe, tan iyo intii ay sii xoogeysanayeen rabshadaha u dhaxeeyay dadka Muslimiinta laga tirada badan yahay iyo Kirishtaanka.

Booqashada uu ku tagay maanta oo jimco ah ayaa la xiriirta sidii u xoojin lahaa ciidamada ka jooga dalkaas oo gaaraya ilaa 1,600 askari oo ay wehlinayaan kumanaan askar ka socda Midowga Afrika.

Midowga Yurub ayaa dhowaan balan qaaday inuu u diray ilaa kun la taliyeyaal iyo saraakiil gacan ka siiya ciidamada ammaaka howlaha tababarida, si loo soo celiyo xasiloonida.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa doonaya in la gaarsiiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta ilaa 9,000 askari, isagoo balan qaaday inuu u diri doono 400 askari dheeraad ah.

Maleeshiyooyinka Masiixiga ayaa waday weeraro ka dhan ah dadka Muslimiinta, iyadoo ciidamada nabad ilaaliyeyaasha ay isku dayayaan inay iska caabiyaan weeraro uga imaanaya maleeshiyooyinkaas oo doonaya inay laayaan dadka muslimiinta gabaadka u galay xeryaha ciidamada.

Jamhuuriyada Afrikada Dhexe ayaa waxaa laga soo sheegay xaalado bani’aadanimo, iyadoo laga qaxay magaalooyin badan markii rabshado ay ka soo cusboonaadeen.

117892510cee75df325_1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles