Wasiirka Arrimaha gudaha Ukraine ayaa ku eedeeyay dowladda Ruushka inuu duulaan hubeysan ku hayo dalkooda, kadib markii ciidamada badda ee Ruushka ay la wareegeen garoonka diyaaradaha magaalada Sevastopol ee ismaamulka Gobolka Crimea.
Arsen Avakov ayaa sheegay in Ruushka uu daan daansi ku hayo, isla markaana uu doonayo inuu dab ku sii shido xiisada ka taagan wali Ukraine
Sidoo kale Garoonka diyaaradaha ee Simferopol ayaa la sheegay inay hareereeyeen maleeshiyooyi hubeysan, kuwaasoo taageersa dowladda Ruushka.
Baarlamaanka Ukraine ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka doodaan xiisada ka taagan Gobolka Crimea.
Madaxweynaha KMG ee Ukraine ayaa goor sii horeysay sheegay in Ruushka uu ku xad-gudbayo qaanuunka xeerarka caalamiga, sidaas darteedna uu fara gelin qaawan haayo dalkooda.
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka John Kerry ayaa sheegay inay il gaar ah ku eegayaan xaalada Ukraine.
Shalay ayay aheyd markii xarun dowladda Ukraine leedahay oo ku yaal gobolkaas laga taagay calanka Ruushka, taasoo sii xoojisay xiisada ka taagan wadankaas.