Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Afhayeenka Xukuumada oo sheegay in qorshaha sugida Amaanka Muqdisho uu meel wanaagsan marayo.

Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay kordheen weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab ka geysanayeen magaalada Muqdisho ayaa hadana Xukuumada Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday inay wado qorshayaal lagu sugayo ammaanka caasimada.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in qorshaha sugida ammaanka Muqdisho uu meel wanaagsan marayo, isla markaana gudigii loo saaray amniga caasimada ay howshooda wali socoto.

“Howlaha sugida ammaanka caasimada meel wanaagsan ayay marayaan, gudigii loo xilsaaray ee in maamulada degmooyinka iyo bulshada kala shaqeeyaan sugida amniga waxay muujiyeen waxqabad aad muhiim u ah”ayuu yiri Afhayeenka Xukuumada.

Gudiyo isugu jira labo wasiir, xildhibaan, qeybaha bulshada gudoomiyeyaasha degmada iyo saraakiisha ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay ku howlanaa kulamo ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan bulshada oo ku saabsanaa dhiira gelinta shacabka iyo sugida ammaanka, waxaana kulamada ka dhacayeen degmo kasta.

Inkastoo Gudigan ku howlanaa howlaha sugida amniga, hadana waxaa magaalada ka dhacay shalay oo Khamiis aheyd weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen in ka badan 10-ruux, kaasoo ka dhacay nawaaxiga KM-0, halkaasoo u dhow xarunta Nabadsugida qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in weerar ballaaran ku qaado deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, iyadoo Shabaab cadaadis xoogan beryihii u dambeeyay saareen caasimada Muqdisho oo weeraro culus ay ka geysteen.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ridwaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles