Kulan Balaaran oo Lagu Taageeray Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Mudane.Axmed Yaasiin Saalax ayaa maanta lagu qabtay Magaaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Ujeedka Kulan ayaa ahaa Teegeero loo Fidiyey Mudane.Axmed Yaasiin Saalax,Waxaana soo Abaabulay Kulankan Taageerada Ah Ganacsade Cabdiladiif Yusuf Barre oo isagu markii hore Xilalka Wasiir ku Xigeenka Maaliyada Puntland.Axmed Yaasiin Saalax iyo Wasiirka Dekedaha Puntland Mudane.C/laahi Jaamac Saalax xilalka usoo qalqaaliyey .
Kulankan ayaa Waxa kasoo qeybgalay Siyaasiyiin,Aqoonyahano,Isimo,Ganacsato iyo qeybaha dhalinyarada ee Beesha Axmed Harti(Dishiishe),Waxaana Kulanka lagu qabtay Hoteelka Ganacsade Cabdiladiif ee Lagu Magacaabo Hotel Jubba.
Siyaasiyiinta Kulanka Kasoo qeybgashay ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Dekedaha Puntland C/laahi Jaamac Saalax,Duqa Degmada Bosaaso Xasan Cabdalla Xasan,Gudoomiyihii Hore ee Gudiga Xalinta Khilaafaadka Dooshooyinka Puntland.
Isimadii Kulanka ka hadlay ayaa Waxa ka Mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin isagoona sheegay inay Mudane.Axmed Yaasiin Taageersanyihiin uuna yahay Masuul dhalinyaro ah oo xilka loo igmaday Kasoo Bixi Kara.
Waxa isna Madasha ka hadlay Ganacsade Xuseen Gacayte oo ka mid ah odayaasha iyo Ganacsatada sida weyn looga qadariyo Geyiga Soomaaliya Gaar Ahaan Puntland,isagoona ku Nuuxnuuxsaday in Mudane.Axmed Yaasiin uu Mudan yahay in la Taageero maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah oo ay Maskaxdiisu Fireesh Tahay.
Sidoo Kale Waxa Madasha ka hadlay Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland Axmad Yaasiin Saalax oo isagu sheegay in loo bahan yahay in laga shaqeeyo amniga guud ee magaalada Bosaso iyo guud ahaan Puntland isla markaasna soo dhaweeyey mashaariicyada hormarineed ee ka sodata magaalada.
Isku soo Wada Duuboo Beesha Axmed Harti ayaa ah Beel ku kala qeybsan Saami qeybsiga Dowlada Cabdiweli Gaas,iyadoona Qaar ka mid ah Beelaha Dishiishe,Maganlabe,Tiinle,Gantaanle aysan weli helin Xaqii ay ku Lahaayeen Dowlada Puntland ,Maadaama ay yihiin Beelo dega Dhulka ugu Baaxada iyo Khayraadka badan ee Deegaanada Puntland.