Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Alla How Naxariistee Prof.Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil oo Bosaaso ku Geeriyooday.

$
0
0

Waxaa saakay ku geeriyooday magaalada Boosaaso Allaha u naxariistee  Prof. Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil  oo ka mid ahaa macalimiinta waaweyn ee ka shaqeyn jiray gudaha puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Professorku wuxuu ahaa ama ka mid ahaa dadkii  gundhiga u ahaa ama lafdhabarka in ay Puntland ka hanaqaado waxbarasho heer jaamacadeed ah. Waxaa lagu xasuustaa soo saaristii kumaanaan ardeyda reer Puntland ah oo manta ay badankoodu yihiin dhaqaatiir, injineero iyo kuwo u shaqeeya hay’adaha.

1932215_10202560016714506_1219499483_n

Prof. Maxamed waxaa lagu xasuustaa sidii uu habeen iyo maalin ug taagnaan jiriin sidii jiilka soomaaliyeed ee uu waqtiga ka dhumay niyadda loogu dhisi lahaa lana baraarujin lahaa in ay wax bartaan. Waxaa kaloo uu had iyo jeer tababaro cilmiga maareynta iyo maamulka siin jiray shaqaalaha dekadda gaar ahaan xilliyaddii 1997dii oo aan wax maamul ah oo hagaagsan uusan jirin.

Professorku wuxuu xilligii hadda ugu danbeysay ahaa bare sare  oo wax ka dhiga jaamacadda East Afrika ee boosaaso, wuxuu kaloo ahaa Maamulaha machadka Maamulka iyo Maareynta Boosaaso oo uu waliba isagu fikradeeda lahaa ahaana ninkii asaasay.

1902902_529400850507814_1806326071_n
Dhammaan waxgaradka, aqoonyahanada iyo waliba bulshada reer Puntland waxa ay u dirayaan ummadda soomaaliyeed tacsida halyeeygaas qaaliga ah ee geeriyooday iyagoo leh Alloow isagana u naxariiso oo janatul ferdowsa ka waraabi, eheladiisii iyo ummadda soomaaliyeedna samir iyo iimaanba ka sii.

Professorka wuxuu uga tegay deegaanada Puntland aqoon fara baddan oo waliba miraheedii la gurtay, Allaah waxaan ka baryeeynaa in uu misaankiisa aakhiro u saaro xasanaadkaas uu geystay. Ummadda soomaaliyeedna ma iloowi doonto oo wuxuu ka galay baal dahaba ah waliba bahda waxbarashada.

1904261_608941972526185_2091388981_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369