Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safaarada USA ka dibna u dhoofay Jigjiga(Sawiro).

$
0
0

Talaado 25 February, Addis Ababa:-  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Dibulimaasiyiin ka socday safaarada Maraykanka ee dalka Ethiopia.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo adkeynta xiriirka labada dhinac gaar ahaan iskaashiga dhanka amaanka, Siyaasada, kaalmadda iyo barnaamijka Dimoqraadiyaynta Puntland (Xisbiyadd Siyaasadeed).

Madaxweynaha ayaa u gudbiyay masuuliyiintan ka socday USA baahida Puntland u qabto in taageero beesha caalamku u fidiso iyo sidii gacan looga gaysan lahaa mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ayna wehelinayeen wafdi iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland ayaa u kicitimay dhanka magaalada Jigjiga.

Casumaad gaar ah ayaa uu ka helay Dr. Cabdiweli Gaas dhigiisa dowladd deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar.

1 2 20140225_111818 20140225_111955 20140225_112029 20140225_112152

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Puntland

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles