Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ra’iisul Wasaarihii Dalka Masar oo Iscasilay.

$
0
0

2827992E-AE21-4660-A64C-2C2BDD6CD9D1_w268_r1_cx0_cy2_cw0Ra’iisul wasaarahii ku meel gaarka ahaa ee dalka Masar Hazem el-Bewlawi iyo xukukuumaddiisa ayaa  iscasilay.

Ra’iisal wasaaraha ayaan faah faahinin sababta keentay inuu ku dhaqaaqo tallaabadan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo inay soo food saartay cadaadis ka yimid dhinaca maamulka milatariga.

Iscasilaadan ayaa ku soo beegantay xilli xukumadiisu  cadaadis kala kulmeysay dhinaca dhaqaalaha iyo shaqa joojinno is-daba joog ah oo ay ku dhaqaaqeen ururada shaqaalaha.

Beblawi ayaa la filayay inuu dib u abaabullo golihiisa wasiirada ilaa iyo inta laga gaaro doorashada soo socota ee madaxtinimo, laakiin is-casilaadda xukumadda Masar ayaa dadka arimaha wadankaasi ka faalooda ay ku tilmaameen arin aan horey loo fileyn.

Mr. Hazem el-Beblawi ayaa iscasilaadda kaga dhawaaqay Tvga Qaranka Masar, isagoo sheegay in dowladiisu ay jirtay xilli dhibaato badan ay ku jirto Masar, laakiin wasiiradiisa ay culeyskaasi iyo masuuliyadda weyn u babac dhigeen.

Waxa uu sheegay in la joogo waqtigii dadka reer Masar ay muujin lahaayeen masuuliyad oo ay dib u habeyn ku sameyn lahaayeen xaaladaha murugsan ee dalkiisa.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah Caddly Mansour ayaa weydiistay Ra’iisul Wasaare Beblawi inuusan iscasilin, mana cadda in dowlad cusub ay meesha iman doonto ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka la filayo bisha April iyo in kale.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles