Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Buundada Sunijiif, Raashina ku qaybshay Degmada Dangorayo(Sawiro).

$
0
0
Talaado, Garowe, 18, 02, 2014- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta socdaal ugu baxay deegaano ka mida gobolka Nugaal kaasi oo iskugu jiray dhagax dhiga Buundada Sunijiif iyo qaybinta Raashin mucaawino ah oo ka yimid dalka Turkiga.
Wasiiro, taliyaasha ciidamada kala duwan iyo masuuliyiinta dowladda ayaa wehelinayay madaxweynaha oo dhagax dhigay saaka Buundada Sunijiif taasi oo shaqo laga baabilay maanta islamarkaasina lagu wado muddo ku siman bil in dib loogu furo buundada oo horey biyo u jareen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay dadweynaha Puntland inay isku tashtaan oo ay dhistaan dalkooda iyadoo aan la isku halayn muwaacino dibadeed.
‘’Hadda wixii ka danbeeya barnaamijkan waa iskaa wax u qabso, waa isku filnaansho, waa dadaal dowladnimo iyo shacab isku duuban oo meel u wada jeeda, waxaan kaloo rabaa inaan idinku booriyo anoo fursadan ka faa’ideysanaya inaan dalkeena u dadaalno, inaan nabada ka shaqeyno, inaanu cidii dhib wada gacan bir ah iskaga qabano ayaanu u baahanahay’’ Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Gaas.
Kulan kooban ayaa wafdiga madaxweynuhu kula qaatay Tuuladda Sunijiif guddiga odayaasha iyo bulshada ku dhaqan kuwaasi oo u  gudbiyay madaxweynaha Puntland baahiyo ay tabanayaan.
Wafdiga Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u socdaalay intaaasi ka dib degmada Dangorayo oo si wayn qaybaha bulshada ku dhaqani u soo dhoweeyeen , iyadoo ay hormuud ka ahaayeen ardeyda Iskuuladdu.
Madaxweynaha ayaa tagay goobta raashinka muwaacinadda ah ee Turkiga ka yimid uu yaalo halkaasi oo kula hadlay saxaafada, waxana uu ka mahadceshay soo dhoweyntii loo sameeyay iyo isagooan Turkiga ku amaanay gacan qabasho Shacabka Soomaliyeed.
‘’Dowladda Turkigu aad bay u mahadsantahay, waxaan rajaynaynaa in mucaawino tan iyo ka badanba ay nagala qayb qaataan’’ ayuu yiri Madaxweynuhu oo ka digay in la musuq-maasuqo deeqdan cidii lagu qabtona lagu ciqaabi doono ayuu ku daray Dr. Gaas.
Kulan ayaa jiray uu la yeeshay madaxweynuhu dadka ku dhaqan degmada kuwaasi oo ka warbixiyay xaalada degmada una gudbiyay masuuliyiinta ugu sareysa Puntland baahiyaha ay tabanayaan.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa galabta dib ugu soo laabtay Caasimada Garowe oo ay saaka ka kicitimeen.
-Dhamaad-
IMG_0001 IMG_0004 IMG_0010 IMG_0015 IMG_0016 IMG_0018 IMG_0023 IMG_0026 IMG_0056 IMG_0065 IMG_0075 IMG_0083 IMG_0094 IMG_0098 IMG_0108 IMG_0121 IMG_0168 IMG_0172 IMG_0176 IMG_0179 IMG_0192 IMG_0206 IMG_0212 IMG_0215 IMG_0251 IMG_0258 IMG_0260 IMG_0262 IMG_0268 IMG_0271 IMG_0276 IMG_0279 IMG_0037 IMG_0045 IMG_0052 IMG_0150 IMG_0157 IMG_0159 IMG_0225 IMG_0243 IMG_0246

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles