Waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa maansadii lamagac maxday (Qiso iyo yaab).
Waa maskaxdii iyo ururintii (Cadceed Qorrax) Ka bogasho wanaag san.
Halkan Hoose ka Akhriso Maansada oo Qoraal Ah.
-Qormadan culus oon wadaa
-Qorshey ku salaysan tahay
-Qareen bay duul u tahay
-Dulmiga qoon bay tustaa
-Waxay ku qiyaasan tahay
-Xaqii baa quus ku dhoow
-Meel uu qabsaduu la, yahay.
-Qalooc hadalka uma dhigin
-War kaygana waan qotomin
-Hogaan qabad baan u noqon
-Qof kii qaafiyad yaqaan
-Marnaba hadal looma qalo
-Bulshooy qaawl kaygan hoo.
-Markaan qoomiyad ahayn
-Hadana qaran baal lahayn
-Tilmaan qiimaysan iyo
-Midnimo qaawlaan lahayn
-Quluub mida baan lahayn
-Qoys iyo dhaqan baan lahayn
-Xeer iyo qabaahaan lahayn.
-Khayaamo qofkii ku kaca
-Takoor qabad buu lahaa
-Xigtiyo qolo muu lahayn
-Wax baba kuma qaybsan jirin
-Qisaas baa meel u tiil.
-Qarnigu ways daba qulquli
-Taariikhdu waxbay ka qori
-Qasaarii horay udhacay
-Qoontiisu halkay ka timi
-Ninkii wada qeexikara
-Qiil kiisana soo heloow
-Adigu qaran doon ugeey
-Quruumaha haw tebshee.
-Markale aan qaybiyoo
-Murtida qaadaa dhigee
-Marki qaran keeni dumay
-Markii qaynuunku lumay
-Dhaqanka markii laqubay
-Dadkaygu markuu qaldamay
-Qiimihii noloshoo dhaciyo
-Qiso iyo yaab baan arkaa
-Qalooc badan baan arkaa
-Qaneeco daraan arkaa
-Quluub dadan baan arkaa
-Walaalo is quur sadiyo
-Qab iyo kibir baan arkaa
-Qilaafkoo sii kordhiyo
-Inlays wada qoon sadiyo
-Qiyaastoo naga luntiyo
-Qar iyo buur laysla fuul
-Qacdaasaa layska guray
-Qudh iyo qooniba dhacoo
-Rasaas baa lays ku qubay
-Qaraabadi baa la dilay
-Deriskii ways wada qaleen
-Dariiqaa dhiig qulqulay
-Dhawaaqoo sii kordhiyo
-Shantiyo dhaban kays qabsaday
-Dadkii waa qayb samoo
-Qaarbaa dibadaha u qaxay
-Qaxootay wada yihiin
-Quluub toodaa la degay
-Afkoodana may qoraan
-Hana way quur sadaan
-Inay dad qalaad yihiin
-Ayay ku qisoo nayaan.
-Barkale way qooma moon
-Qamuunyay dibnii is jareen
-Inay dib u soo qaxaan
-Ayaa qorshahoodu yahay
-Aloow qaran noo yagleel
-Ayey ku quraan naqdaan.
-Badaha qaar bays ku qubay
-Bar baa quudkii ka go,ay
-Qaad bay wada daaqayaan
-Qaraar kay raadiyaan
-Ilkii way wada qubteen
-Jaahoodana wuu qayiray
-Qalfoof bay wada noqdeen.
-Barkale qaraxyay wadaan
-Qabuuray wada faagayaan
-Qiil bay u daliishadaan
-Qumanahoodaa u suran
-Cidnaba qawl kama maqlaan.
-Qisada qotadeedu foge
-Talaabada horay uqaad
-Hadana qolqolkaan bal eeg
-Bal eeg madax deena qaran
-Qaynuun bay wad doonayaan
-Hadana ways qoonsadaan
-Mareegbaa lagu qabtoo
-Qoolbaa madaxa ugu jira
-Qabaan bay wada yihiin.
-Weynuhu qawlkuu na faray
-Quraan laynoo ku dhigay
-Kitaabka inoo ku qoray
-Axkaantuna qeexayaan
-Xadiis la qushuucayoo
-Qalbiga wada mayrayoo
-Qaynuun lagu ururiyoo
-Qabyana weligiis ahayn
-Intay qasnadaha dhigtaan
-Dastuur aadmiyo qorteen
-Qodobo ka samaysan baa
-Dadkii lagu qaadayaa.
-Qisada qoonteed an dhayo
-Kaymuhu raad kay qarshaan
-Halkaan ishu qaban karayn
-Haquusane qaab u doon
-Qoortooda lasii wareeg
-Halkaa raadkii ka qabo
-Qumaati indhaha ku hay
-Halkii qadaf kaaga yimi
-Markale yaad qoobka dhigin
-Dadkaygoow qoriga dhiga
-Qabsada qalinkoo wax qora
-Cilmigu wuxuu qooynayaa
-Qalaylka ka dhawrayaa
-Qalbiyo waa hore engegey
-Walaalkaa qiimo sii
-Markale qawlkiisa maqal
-Dhistoo qaran kiini guud
-Dhamaan gacmaha is qabsada
-Ilaahay hay qab tee
-Ducaan qalwkii ku xiray.
Aamiin Aamiin Aamiin!!!
Wabilaahi toowfiiq.
By.Abwaan Feysal Maxamed Yusuf(Qorax).