Dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan ayaa caawa xiligii salaada maqrib ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan dowlada iyo AMISOM oo hal dhinac ah iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday markii kooxo hubeysan ay gantaalaha garabka laga rido iyo hub kale ku weerareen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xili ay marayeen nawaaxiga isgoyska SOS.
Ciidamada AMISOM ayaa ku jawaabay rasaas fara badan oo ay ooda ka qaadeen, waxaana halkaas ka bilowday dagaal labada dhinac u dhexeeya oo markii dambe ay ku soo biireen ciidamada dowlada iyo ciidamo gurmad ah oo ka socday AMISOM.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalku uu ku fiday nawaaxiga warshadii barafuunka iyo xaafada Suuqa xoolaha, iyadoo dadku ay ka kala carareen laamiga degaankaas dhexmara oo markii hore weerarku ka bilowday.
Daryanka rasaasta iyo qaraxyada madaafiicda ka dhacay degaanka SOS ayaa si weyn caawa maqribkii looga maqlayey magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah, iyadoo rasaas goos goos ah weli la maqlayo.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaaladan oo aan aheyn kuwii ugu horeeyey noocooda ee halkaas ka dhaca, balse ciidamada dowlada iyo AMISOM ayaa la sheegay iney gudaha u galeen xaafado halkaas ku yaala oo ay u baxsadeen kooxihii soo weeraray.