Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka qeyb galayay kulan looga hadlayay ammaanka oo ka dhacay degmada H/wadaag ayaa sheegay in loo baahan yahay inay iskaashadaan dadweynaha iyo maamulka.
Mr Tarsan ayaa is weydiiyay sababta dhibaatada, argagaxa iyo cabsida loo gelinayo magaalada Muqdisho, isagoo ka dhawaajiyay in magaalada Muqdisho loo diidan yahay horumarka.
“Waxaa rabnaa inaan is weydiino sababta magaaladani colaada loo gelinayo, dabka looga shidayo, maxaa loogu diidan yahay horumarka, maxaa dadkeena khilaafka loo dhex gelinayaa, maxaa magaaladeena bartilmaameed u noqotay, barakicin, cabsi iyo argagax loogu hayaa”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.
Duqa Muqdisho ayaa soo jeediyay in qofkii Shabaab ee la qabto lagu dilo isla goobta lagu qabto, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay dhagax ku dilaan, maadaama uu baneystay dhiigooda sida uu yiri.
“Anigu waxaa la yaaban yahay shabaabkan waa la qabtay la leeyahay, meesha lagu qabto ha lagu dilo, sababtoo ah dhiiga umadu baneystay , umadana waa inay dhagax ku dishaa, wax dhagax lagu dilo waxaan aheyn ma astaahilaan”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.
Waxaa uu sheegay inay dhamaatay xilligii ciidamada ay dagaalka la geli lahaayeen Shabaab oo loo baahan yahay in shacabka la dagaalamaan, waxaana uu baaq u soo jeediyay dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan inay iska kiciyaan sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku guubaabiyay shacabka Muqdisho inay soo sheegaan Shabaabka ku dhuumaaleysanaya degmooyinka, isla markaana hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan.