Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

War Deg Deg Ah:Qarax weyn oo ka dhacay Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

$
0
0

war-deg-dega12Qarax weyn ayaa goor dhowayd  ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo ahaa gaari uu watay Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegayo in dhaawac culus uu ka soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa nuuca Soomaalida u taqaano Kaarib uu ku xirnaa waxyaabaha qarxa, kadibna uu ku qarxay inta u dhaxeysa Taree Biyaano iyo Isgoyska KM4, halkaasoo goor dhow ay xireen Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska.

Qaraxan oo aan ilaa iyo iminka la soo sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay, ayaa hadana waxaa la leeyahay dhowr qof ayaa ku dhaawacantay oo uu ka mid yahay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Amniga Axmed Cumar Mudane.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiye kuxigeenka uu dhaawac halis ka soo gaaray qaarka dambe ee jirkiisa, oo loo badinayo in lug ka go’day sida ay goob joogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Ciidamada ammaanka ee gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xiray wadada, iyadoo gaadiidka ay ka leexanayeen inta aanay gaarin Carwada Al-Towba, iyadoo ciidamada howl galo ka wadaan gaadiid wadada dhinacyadeeda yaala.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay qaraxan, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay qaraxyo ceynkan oo kale iyo kuwo is miidaamin, waxaana ugu dambeeyay qarax sidan oo kale gaarigiisa loogu xiray Mas’uul ka tirsanaa Gobolka Shabeelaha Hoose bishii la soo dhaafay, kaasoo ku qarxay meel ku dhow Tarabuunka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369