Wasiirkii Puntland ee Muranka Badan dhaliyey ayaa Maanta Xilalkii la kala Wareegay.
Waxaa maanta xilalka la wareegay 12-wasiir oo ka mid ah kuwa uu dhowaan soo magacabay madaxwaynaha Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas).
Munaasibado kala duwan ayaa wasaaradaha ka dhacay,ugu horayntii waxaa xilka la wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyada mudane Shire Xaaji Faarax waxana kasoo qayb galay munaasibadaasi shaqalaha wasaarada iyo madaxda cusub.
Ugu horayntii wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyada Faarax Cali Jaamac ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub,wuxuna sharaxaad dheeraad ah ka baxshay xogta wasaradda iyo mudadii uu xafiiska joogay waxyaabihii u qabsoomay.
Wasiirka cusub Shire Xaaji Faarax ayaa u mahad celiyay wasiirkii hore,wuxuna sheegay howsha wasaaradda inuu halkaas kasii wadi doono isla markasna waxqabad muuqda uu la imaan doono.
Sidoo kale waxaa maanta xilka la wareegay wasiiradda caafimaadka,arrimaha gudaha.amniga,Shaqada iyo shaqalaha,Deegaanka,Beeraha,Duulista hawada,howlaha guud iyo cadaalada.
Dhamaan wasiiradii hore ee xilka wareejiyay ayaa ka war bixiyay waxyaabaha u qabsoomay tan iyo intii ay xilalka hayeen,waxayna tilmeeneen inay ku faraxsan yihiin xil wareejinta ay sameeyeen.
Wasiiradda cusuba yaa dhankooda balan qaaday inay ka go’an tahay oofinta balanqaadyada ay sameeyeen.
Waa markii ugu horaysay oo ay wasiiro intaasi leeg ay hal mar xilalka la wareegaan,waxayna tiradda guud ee wasiirada xilka la wareegay ay gaarayaan 11-wasiir.
|
||||||||||||||