Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda booqdo magaalada Muqdisho si uu uga qeyb-galo aaska qaran ee loo sameynayo raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa aas qaran u sameyneysa Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo maydkiisa lagu wado in lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Cabdiweli Gaas oo maanta ka qeyb-galay kulan baarlamaanka Puntland uu ku meel-mariyay golaha wasiirrada cusub.
Xiriirka u dhaxeeya dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho iyo dowlad goboleedka Punland ayaa xumaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay kaddib khilaaf soo kala dhex galay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa dooratay madaxweyne cusub iyo madaxweyne ku xigeeen horraantii January iyadoo Golle Baaarlamaan cusub iyo gole wasiirro loo Sameeyey,kuwaas oo inta badan aan Kalsooni ka heysan Beelaha Ay Kasoo Kala Jeedaan.