Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Golihii Wasiirada Puntland ee Muranka Badan Dhaliyey oo Maanta la Anxisiyey.

$
0
0

Golihii Wasiirada Puntland ee Muranka Badan Dhaliyey ayaa  Maanta la Anxisiyey,Kuwaas oo inta badan aan kalsooni ka heysan Beelaha ay kasoo jeedaan.

Golaha Baarlamaanka ee  Maamulka Puntland ayaa maanta codka kolsiinida siiyay gollaha xukumadda uu dhowaan soo magacaabay madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas).

Ka hor inta aan la ansixiyay wasiirada waxaa khudbad ka hadlaysa waxqabadka xukumadda baarlamaanka ka hor jeediyay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali wuxuna sheegay inta uu xafiiska joogo inuu xooga saari doono ammaanka,soo celinta deegaanada maqan iyo dhaqaalaha.

Waxa uu xildhibaanada ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida si wasiiradda ay u gutaan howlaha horyaala.

Fadhiga lagu ansixinayay wasiirada waxaa soo xaadiray 56-xildhibaan waxana codka siyay 55-mudane waxana ka aamusay Gudoomiyaha  Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wasiirada la ansixiyay kula dardaarmay inay waajibaadka saaran si hufan u gutaan oo shacabkoda u addeegaan.

Madaxwayne Cabdiwali oo ugu danbayntii hadlay ayaa baarlamaanka uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen,wuxuna sheegay inay la imaan doonaan isbadal.

Wasiiradda la ansixiyay oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin codka kalsoonida ee ay baarlamaanka ka helaan,waxayna tilmaameen inay ka go’an tahay wax u qabashada shacabka Puntland.

IMG_03661-740x493


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles