Jugta Qaraxyo xoogan ayaa xalay laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, kaasoo ugu yaraan inta la og yahay hal ruux uu ku geeriyoodeen, iyadoo qaraxyadan ku soo aaday, xilli shalay inta badan Isgoysyada Muqdisho ciidamo badan la soo dhigay.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxyadan ayay dadka reer Muqdisho kala garan waayeen inuu ahaa bambooyin gacanta iyo hoobiyeyaal, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay u badnaayeen bambooyinka gacanta oo dhawaaqooda uu ahaa sida madaaiicda oo kale.
Dhowr qarax ayaa laga maqlay Jidka Maka Al-Mukarama oo ah meel amaankeeda aad loo ilaaliyo, iyadoo xilliga qaraxyada ka dhacayeen ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Sidoo kale waxaa qaraxyo ka dhaceen qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Waabari oo ay kala barto jidka Maka Al-Mukarama, waxaana meelaha ay ka kala dhaceen ka mid ah Suuqa Beerta ee degmada Waabari iyo Taleex.
Qaar ka mid ah Idaacadaha ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamayay jugta qaraxyada inay ahaayeen madaafiic la soo tuuray, iyadoo wali magaalada ay ka dhacayaan qaraxyada iyo madaafiicda.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii weeraro madaafiic loo waday garoonka diyaaradaha ay ku kala dhaceen xaafadaha Buulo Xuubey iyo Bangaariyo, kaasoo sababay dhaawacyo kala duwan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda oo ku aadan qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada oo ahaa mid aad looga dareemay.