Dadweyne careysan ayaa goor dhoweyd xiray wadada hor marta Taree-Biyaao ee Jidka maka Al-Mukarama, halkaasoo abaarihii sagaalkii subaximo Kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM uu jiiray nin Taksiile ahaa oo aad looga yaqaanay degmada Waabari.
Ninka Taksiilaha ee ay jiireen Ciidamada AMISOM ayaaa lagu magacaabi jiray Saalax, waxaana uu ahaa nin noloshiisa ka raadsan jiray taksi uu muddo badan kaxeynayay oo uu qoyskiisa ku biili jiray.
Dadkan careysay ayaa dhagxaan wadada ku gooyay, iyagoo diiday in la qaado Meydka ninka taksiilaha oo goobta ku qudh-baxay markii gaadiidka AMISOM uu jiiray.
Gaari ay leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa ka dalbaday dadweynaha inay furaan wadada, hase ahaatee waa ay ka biya diideen, waxaana dadweynaha ay ku dhaarteen inay kacdoon sameynayaan, hadii tacadiyada AMISOM ay u geysanayaan dadka rayidka uu sidan yahay.
“Anaga oo dalkii aan laheyn miyaa Ciidamo Afrikaan ah, inta sida xoolihii oo kale noo dar daraan, miyay hadana gadaal soo fiiraneyn, oo aysan ka damqaneyn dhibka ay geystaan, waa ay isla sii gar leeyihiin, walaahi inaan ka yeeleyn”ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha goobta isugu soo baxay ee ka dhiidhiyay tacadiga Ciidamada AMISOM.
Meydka ninka taksiilaka ee uu jiiray gaadiidka AMISOM ayaa wali goobta yaala, waxaana lagu daboolay maro, iyadoo madaxiisa uu labo kala noqday, maskaxdiisa dhulka ku daadatay.
Falkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay tacadiyo Ciidamada AMISOM u geysanayeen dadka rayidka ah, iyadoo marar badan sidan oo kale inta ay dad rayid u jiiraan, ayay iska sii dhaqaaqaan, waxaana Taliska AMISOM ka badin la’yahay war saxaafadeedka uu soo qoro oo uu ugu qiil dayo dhibaatada gaadiidkooda ku haayo shacabka, isla markaana ka bixiyay raali gelin iyo inuu shil ahaa.







