Magalada Bossaso xarunta Gobalka Bari ayaa maanta lagu soo bandhigay agabyo ay isticmaali jireen kooxda Shabab ee ka dagaalanta Buuraha Galgala,ka dib dagaalkii shalay lagu qaaday.
Ku simaha wasiir ku xigeenka wasaradda amniga iyo taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay xafiiska wasaradda amniga magalada Bosaaso,ayaa agabka ay soo bandhigeen ku tilmaamay inay yihiin kuwo laga qabtay kooxda alshabab ee ku dhuumaalaysata buuraha Galgala.
Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay agabkan oo iskugu jira qaraxyo diyaarsan,sahay cunto.daawooyin iyo rasaas tiro badan in lagu qabtay howlgal ay ciidanka ammaanka ka fuliyeen shalay galinkii hore deegaanka Galgala,wuxuna tilmamaay inay qayb ka tahay la-dagalanka lagula jiro kooxdaasi.
”Meel Saldhig ah oo wax yar ka sokaysa Gal-Gala ayaan kasoo qabanay alaabtaan oo isugu jira Qaraxyo diyaarsan, raashin, Dawooyin iyo Rasaas,waana sii wadi doonaa dagaalkan aan kula jiro kooxdaasi shababta ah”.
Sidoo kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse ayaa dhankiisa tilmaamay howlgalka ay agabkaan kusoo qabteen inuu ahaa mid lagu guulaystay oo gacanta looga dhigay Deegaanka Galgala,wuxuna sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada noocaan ah tan iyo inta laga sifaynayo ururka Alshabab.
Maalinkii shalay ayay ahayd kolkii ay ciidanka daraawiishta Puntland gacanta ku dhigeen saldhigyo ay horay u fadhiyeen kooxda alshabab,waxana deegaanka Galgala ka socda baaritaano ay ciidanku wadaan.
|
|||||||||||||