Abwaanka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed Abwaan Khaliif Faarax Xayir ayaa maanso aad uqurux badan oo dardaaran ,midnimo ,mahadnaq ammaan iskugu jirta ka tiriyay munaasabad lagu sagootinay madaxdii hore ee puntland ,laguna soo dhowaynay madaxda cusub .
Isagoo Abwaanku hore usameeyey hees dardaaran ah oo uu baarlamaanka cusub kula taliyay uguna baaqay inay hogaan hanan kara udooraan bulshada taasoo uu ku luuqeeyay fanaanka cali najiib ,ayuu markay hirgashay taasi maansadan kaga hadlay siddii ay wax udhaceen …Wuxuuna yidhi:-
Tuduc.
__________
Maanta oo kalay Mudantahay Hurfoow Suugaan mugwayn Iyo meeris gabay In la mariya oo Madal laga tirshee Aan mawjadiyo Murti la iga qoro Oo aan la maqal Oo wada maldahan Maantaba tirshee Maqaleey warlaay Maan kuu waramo.
Maanyahaw godlani Mahadhooyin iyo Maahmaahyo reeb Maskaxyahay dihani Gabay muunadliyo Oo maansooyin tiri.
Ninba maalin buu Xilka meertada ah Majaraha hayaa Waa mahad Illaah Mar haddii dalkii Iyadoon mushkilad Muran iyo colaad Mashaqooyin dhicin Ina Maxamed Gaas Madaxwayne iyo Laga dhigay masuul.
Madaxnimo nin geya Kama maarantee Waa mahad Allee Maantaba la yidhi Mayalkeeda qabo.
Waa mahad Illaah Mar haddii Halyey Maskaxdii Camey Mataan looga dhigay.
Waa mahad Illaah Mar haddii la xulay Baarlamaan mugwayn Mulkiyeen xilkii Mudanoow Siciid Madax uu ka yahay.
Hadduu maanta ruux Mudanyahay ammaan Faroolaa Massuul Maamuus lehoo Xilkas muujiyoo Magaciisu galay Taariikhda mudan.
Madaxwaynihii Madaxtooyada Dhisay muuqa wacan Ina Maxamed sheekh Nin muwaadinoo Weeyaan mugwayn Kama maaranee Mandeelaha qarniga Wuu mahadsanyahay Magaciis ha jiro.
Waa maalin wayn Oo mudan xassuus Mudugeey ciyaar Bariyeey mashxarad Heelada macaan Maakhireey camiro Waan kuu maqnee Kaama aan maqliye Sooleey muuji farax Maandeeq dhashee Cayneey bal maal Mayayoow ku hoor Marinada Nuugaal Geedyahaw magool Ubax iyo man bixi Hoobaan midhaa Oo wada macaan.
Tixdu mala awaal Maqal oo ka soco Meeshaa ku dhaaf Iyo maaha hadal Macne aan lahayn Waa meel ujeed Magdhow kaa rabtee Madaxwaynahaan Maamuusaynoow.
Mataanihii is xigay Ee maamulkaa Ku midoobay shalay Milalkaa dhex yaal Mid daweeya noqo Mudul geed uwaab Midigta isu saar.
Mabda´a iyo ujeed Muruq iyo itaal Maskax iyo aqoon Maal iyo hantiba Ka midee bulshada.
Dadkan aad meteli Aad madax utahay Maalqabeeno ladan Maahee ogoow.
Sidduu yidhi marxuum Waa wada madluun Godobteeda maqan Umaleeganoo Maya yidhi dulmiga
Majaray hayaan Duul hore umaray Ay mahadiyeen.
Rida maqasha iyo Maatidu jaqaan Kali maalayaal Ku mamaa jiree Raga macasha wayn Ee micida dheer Haka dhigan malxiis.
Madaxwaynahaan Maamuusaynoow Marna yuu manaxe Maatada udaran Garta madax ka noqon Sharcigana metelin Oo yuu maxkamad Ku xukumin miskiin Aan markhaati iyo Loo haynin marag Magan ha uga dhigin Manaxaan bulshada.
Ninaan meel ka tagin Madashuu ku koray Marti yuu noqon.
Maskan ubadka jara Musuqmaasuqaa Maalkooda cuna Cabdoow moora-duug Oo naga maxbuus.
Madaxwaynahaan Maamuusaynoow Hadaan maahsanayn Mudo aamusnayn Miyir doorsanayn Maantaba kacnoo Mitid baanu nahay Ku jihaysan meel Ka midaysan hadaf.
Madaxwayne shalay Waataad masraxa Macshar wayn ka tidhi Puntland marwiyo Gabadh muunadloo Mar la araga oo Afku madow yahoo Madag tahay dhexdiyo Waa muuq qurxoon Ay mehersadaan Nimaanan mudnayn.
Maantaba adaa Mulkiyee daryeel Mahadhiyo ka dhowr Murugo iyo ciil Madaxwayne say Maahmaahi tidhi Mahurtada haween Meher baa xidhoo Ragna qawl mar dhaca Ayaa meel ku xidha Aniguna macnaha Aan muujiyee Meel mari waxaad Madaxwayne tidhi.
Hadalkuna marnaba Madadaalo iyo Maaweelo been Maadaysi noqon Iyo meel ku gaadh Aan meeriyoo Maansada xidhee Bulshayahay imaqal Nin ku mamay xilkiyoo Madax raadis iyo Rag hadday murmaan Hiil iyo maciin Magac reer ku dedan Midna kaama helo Mabda´eenu waa Midnimiyo israac Mugdi uu kujirin.
Maantiyo berriba Mataanaynu nahay Mid qudhaynu nahay Kala maarmi karin Meel kala tageyn.
Manaxaan ha dhaco Xalaal maal hajiro Midnimooy tisqaad Mujirmoow ha ledin Ha mudhbaxo cadligu.
Ina maxamed gaas Xilka uu mulkiyey Madaxiisa sudhan Mawloow usahal Oo kuma margado .
Kala xidhiidh Abwaan Khaliif Faarax Xayir , xayiryare@gmail.com.