Wafdiyo ka socda maamulka Jubbaland iyo dalka Jabuuti oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha diinta iyo dhaqanka Jabuuti, Xasan Aadan Xasan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Xubno uu ka mid ahaa madaxweyanha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin C/llaahi Cumar Camey ayaa wafdiyadan kaga hortagay garoonka diyaaradaha Garoowe, iyadoo sidoo kale ay halkaas ku sugnaayeen dadweyne calamo iyo sawirro wata oo soo dhaweynta qayb ka ahaa.
Mas’uuliyiinta la socday madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka mid ahaa, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi, siyaasiga C/raxmaan Baadiyoow iyo xubno kale.
Hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Puntland tan iyo markii uu isbedelka dhinaca maamulka ah ka dhacay, sababta uu u yimid ay tahay inuu ka qaybgalo xafladda lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee Puntland
Wufuuddan ayaa waxay ka qaybgeli doonaan munaasabad maalinta berri ah lagu qaban doono magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taasoo lagu caleemo-saarayo C/weli Gaas oo 08-dii bishan ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee Puntland.
Dhanka kale, ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidammo fara badan lagu arkayo waddooyinka waaweyn ee magaaladaas, kuwaasoo baaritaanno ku sameynayay gaadiidka yaryar ee magaalada maraya.