Wafdi balaaran oo u hogaaminayo madaxweynaha Jubaland ayaa goor dhawayd ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxayna ku wajahan yihiin magaalada Garoowe.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa inuu kamid yahay wasiirka caafimaadka ee Jubaland,qaar kamida ururada bulshada iyo masuuliyiin kale.
Wafdiga Jubaland ayaa ka qeyb gali doona xaflada caleema saarka madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo lagu wado in maalinta bari ah ay ka dhacdo Garoowe.
Xafladan oo qaban qaabadeedu mudooyinkii u dambeeyay ka socotay Garoowe ayaa lagu wadaa in wafuud kala gedisan ka qeyb gasho kuwaas oo isugu jira DFS,maamulada kajira Somalia,Beesha caalamka iyo wadamada deriska ah.