Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xiriirka Maamulada dalka ka jira.

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiriirka maamulada dalka ka jira, isagoo balan qaaday inuu joogteyn doono xiriirka dowladda Federaalka la leedahay maamul goboleedyada.

Madaxweynaha oo hadlayay ayaa sheegay in wada hadalada dowladda Federaalka iyo Somaliland uu meel wanaagsan marayo, isagoo cadeeyay in dowladda ay joogteyn doonto wada hadalada.

“Dowladda Federaalka wey ka go’antahay in la sii joogteeyo wadahadalada Somaliland oo si nabad ah aan ku gaarno mideynta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Wadahadladan waxaa ka dhalanaya kalsooni badan iyo isu soo dhowaasho. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Turkiga iyo shacabkooda oo si joogta ah noo garab taagan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay inay dowladiisa ka go’an tahay in si hagar la’aaneed ula shaqeyso Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo maamulkiisa, si loo gaaro himilada la hiigsanayo in Soomaaliya ay mid noqoto.

“Puntland waxey hormuud ka tahay Federaalka iyo midnimada Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno dib u eegista dastuurka, dhaqan gelinta federaalka iyo sidii aan ku gaari laheyn doorashooyin ka dhaca dalka Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe oo dhowaan soo dhameystiray hey’adii fulinta maamulkiisa, taasoo uu tilmaamay inay qeyb ka aheyd heshiiskii Addis Ababa

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) oo dhowaan soo dhameystiray hay’adii fulinta ee maamulkaas, tanoo qeyb ka aheyd heshiiskii Addis Ababa. Waxaana u rajeynayaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla oo ay dowladda Federaalka kala shaqeeyaan xoreynta deegaanada maamulkaas, nabadeynta, xasilinta, adeegyada bulshada iyo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka ah oo muhiim u ah midnimada iyo xasilinta dalka”ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay shirarka wada tashiyada ee ka socda magaalada Baydhabo, isagoo tibaaxay dib u heshiisiinta ay astaan fiican u tahay in shacabka ay aayahooda uga tashanayaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay gobolada dalka ay u diyaar garoobaan dadaalada maamul u sameynta iyo dhaqangelinta federaalka.

xasan-sheekh


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles