Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Qaban qaabada Xaflada magacaabista Golaha Wasiirada oo ka socota Madaxtooyada.

$
0
0

Diyaar garowgii u dambeeyay ee lagu soo magacaabayo Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa xilligan ka socota Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed uu kulan la leeyahay xubnaha Wasiirada ee la filayo in galabta lagu dhawaaqo.

Sida ay sheegayaan wararka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku wargeliyay xubnaha uu u magaaabayo Wasiirada inay soo xaadiraan munaasabada ku dhawaaqista, isla markaana uu la leeyahay kulamo horu dhac, waxaana xubnaha magacaaban ay ku qul qulayaan Xarunta Madaxtooyada.

Xog hoose oo aanu ka helnay Xafiiska Ra”iisulwasaaraha ayaa soo sheegaysa in qaban qaabada Xaflada magacaabista Golaha Wasiirada ay hada ka socoto Madaxtooyada, isla markaana lagu wargeliyay Warbaahinta inay xilli walba diyaar noqdaan.


Xubin ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa u sheegay Raadreeb.com  in qaban qaabada ay socoto, isla markaana galabta lagu dhawaaqi doono Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed.

Ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo marar badan ay dib u dhac ku yimaadeen ayaa waxaa ka taagnaa caqabado la xiriiray qaabka soo xulista Wasiirada, iyadoo uu jiray muran xoogan oo u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo xildhibaanada baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo  lagu dhawaaqi doono, waxaana Golaha wasiirada ay noqonayaan 25 Wasiir, inkastoo tiro dhowr jeer la kala bad-badalay tirada, isla markaana madaxda dowladda ay dhowr jeer ku kala aragti duwanaadeen tirada rasmiga ah.

Shanta beelood ayaa la sheegay in min shan wasiir ay u heli doonaan, iyadoo durba ay soo baxayaan magacyada dad la hadal haayo inay ku soo bixi doonaan liiska Golaha Wasiirada.

Guuxa ugu weyn ayaa ah in qaar ka mid ah Wasiiradii hore Xukuumadii Saacid ay dib u soo laaban doonaan, iyadoo tanina ay horay u diidanaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana jira wal wal badan oo laga qabo sida Xukuumada cusub ay kalsooni uga heli karto Baarlamaanka, maadaama baarlamaanku uu labo qeybsan yahay.

Liiska Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka dhex muuqda Wajiyo cusub iyo kuwo horay Wasiiro uga soo noqday Xukuumadihii dalka soo maray.
sagooyin_saacid_3
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles