Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta ka bilaabanaya dalka Turkiga.

$
0
0

Wajigii 3aad ee wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo wada hadalada maanta labada dhinac u furmayo uu ka adag yahay kuwii horay u dhex maray.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiyo labada dhinac ka kala socday ayaa gaaray magaalada Istanbul, si maanta oo khamiis ah ay u yeeshaan kulan, kadib markii uu dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid wada hadaladii u socday.

Wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa hogaaminaya Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, kaasoo laga yaabo in mar kale xilkaas loo magacaabo, marka uu Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Sidoo kale wafdiga Somaliland ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, kuwaasoo maalin ka hor tagay magaalada Istanbul, waxaana wada hadalada maanta dib u bilaabanaya garwadeen ka ah dowladda Turkiga.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah gooni isu taaga Somaliland iyo sida dowladda Soomaaliya u aragto, waana qodob aad u adag, marka loo eego wada hadaladii u dambeeyay oo aan ajandahan si toos ah lagu soo dari jirin.

Warar qaar ayaa sheegaya in Wafdiga Somaliland ay wataan qodobkaas, si ay uga gun gaaraan ujeedkooda wada hadalka ay u tageen, isla markaana ay mowqif cad soo qaataan.

Sidoo kale dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonto ajandaha horyaala, iyadoo ay wax walba dhici karaan, maadaama horay Somaliland u cadeysay in gooni isu taageeda ay tahay lama taabtaan, balse wada hadalka uu mar walba furan yahay.

Dowladda Turkiga ayaa labo jeer oo hore marti gelisay wada hadalada labada dhinac, kaasoo sanadkii hore dhacay, waxaana jiray heshiisyo ay kala saxiixdeen oo dhigayay iskaashiga labada dhinac, sida ammaanka, la dagaalanka burcad badeeda iyo argagixisada iyo arrimo kale.

somalia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles