Haykalkii iyo nidaamkii aay udhacday doorashaadii Madaxwaynaha Puntland Dr CabdiWali Maxamad Cali Gaas`waxay muujinaysa wanaaga iyo bisaylka aygaareen umada Soomaaliyeed siiba Puntland waxaa doorashada Puntland aad u soo dhaweeyey dhammaan aduunka intii la socotay doorashooyinka Puntland kaqabsoomay sanadkaan Cusub ee 2014 kuwaasoo” ahaa doorashadii Golaha Barlamaanka iyo Doorashadii Madaxwayne DR Gaas) iyo Madaxwayne ku xigeenka Cabdi Xakiim doorashadaas waxay noqotay mid lamida doorashooyinka ka qabsooma dunida hormartay magac iyo mamus ayeyna usoo jeeday guud ahaan Soomaaliya.
Hogaamiyekastaa wuxuu leeyahay hadaf u gaara kaasoo uu ku doonaayo inuu ku hormariyo dalka uu hogaankiisa qabtay wuxuu kale oo leeyahay saaxiibo ay isku feker kayihiin hananka siyaasada waana mida uu ku soo xusho dadkii la dhaqaajin lahaa talada dalka waana mida uu madaxwaynaha cusub ee Puntland ku ceceliyey inuu soo dhisi doono Teem) hawsha la wadi doona oo Puntland gaarsiiya baraare iyo barwaaqo.
Nidaam kasta oobadala midkii ka horeyey wuxuu layimaadaa fir-fircooni uu doonaayo inuu uga duwanaado nidaamkii kahoreyey taasi waxay keenta tartan dhanka hormarka Tusaale ahaan waxaa jira in siyaasiintu’ kukala duwan yihiin qaabka loo maarayo dhaqaalaha wadanka qaabka loo qaadaayo Canshuuraha dalka,ka sooxarooda qaabka loo kobcinaayo arrimaha asaasiga sida Waxbarashada Caafimaadka Biyaha waxana laga dhexlaa tartan faa,iideed.
Xilwareejintii 2009 iyo Madxwayne faroole
Xiligii madaxwayne CadeMuse)- waxaa jirtay kala daadsanaan baahsanoo ka jirtay dhammaan Puntland hadii ay noqon lahayd dhanka ciidanka qaranka dhanka dhaqaalaha dalka dhanka siyaasada arrimah gudaha dhammaan waxay ahaayen kuwo aad u liita xataa waxaa kala yaacay xukumadii uu hoganka u hayey Madaxwayne Cade muse taasina waxay keentay in madaxwayne faroole uu meel hoose wax ka bilaabo oo ay wakhti dheer kuqaatato in dib loo habeeyo dhammaan kaabayaashii dhaqaaalaha iyo dhisitankii ciidaankii Puntland iyo habaynta Wasaradihii dawlada Puntland.
Xilwareejinta dhici doonta 2014 iyo Madaxwayne Dr Gaas?
Madaxwane Cabdiraxmaan Faroole wuxuu mudanyahay in la gudoonsiiyo Bilaad sharaf` qaabkii uu dalka u soo hogaamiyey iyo qabkii uu,u aqbalay natiijadii doorashada Bila`aadamka lagamawaayo khaladaad hogaamiye kastana wuu leyahay khalaad waana jiraan dhaliilo loosoo jeediyey Madaxwaynihii hore ee Puntland CabdiRaxmaan faroole hayeeshee faroole wuxuu ka tagi doona dawlad dhamaystiraan oo leh dhammaan haykalkii dawladnimo tasina waxay sahli doonta madaxwaynaha cusub inay wax badan u sahlanato waana mida an ugu sifeeyey in madaxwaynr faroole uu mudan yahay abaalmariin.
Maxaa laga sugayaa Madaxwaynaha Cusub?
Madaxwaynaha cusub ee Dawlada Puntland Mudane Cabdi Wali maxamad Cali Gaas waxaa horyaal arrimo wawayn una baahan in lagu mareeyo feker saliima iyo karti buuxda wana hubaal inuu Dr Gaas khibraad hogamiyanimo leyahay uuna ugu sôo shaqeeyey Jamuuriyada Federalka ee Soomaaliya waxase loo dhiibay manta Puntland oo ah qabaa,iilo isku tagay dhistayna mamul ayku miidaysan yihiin waxana looga bahanyahay hogaanka cusub ee Puntland inay mareeyaan arrimahaan soo socda.
Amniga Puntland
Waa lagama marmaan in la xaqiijiyo aminiga Puntland gudaha iyo dibadaba meel an amni ka jirin nolool kama jiri karto waxaana loo baahan yahay tayaynta ciidanka Puntland qaybahooda kala duwaan hub ka dhigista ciid kasta oo an ahayn ciidan qaran.tayeynta qalabka ciidanka ayada oo lala kaashanaayo hay,yadaha caalamiga
Soosaarida saraakiil khibraad ciidan leh Police tayoleh oo ka hawlagala dhammaan Puntland min dagmo min tuulo.
Dhanka dhaqaalaha
Puntland waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha ka soo xarooda xoolaha nool ee laga dhoofiyo Dakada waynee Bosaaso waxaana hoos u dhacay xoolihii Puntland ka dhoofi jiray oo ka imaan jiray Bartamaha Soomaaliya iyo Kilirka shanaad taas oo keentay in dhanka dhaqaalaha Puntland hoos u dhac ku yimaado waxaana hogaanka Puntland looga fadhiyaa soo celinta dhaqaalihii Puntland isku xirka Ganacsatata Puntland oo qabo kamida ay ka guureen Puntland-
Waxaa kale oo looga fadhiyaa haybaynta qaadista Canshuuraha dalka gudihiisa kalsooni siinta shacabka ku wareersan qaabka canshuurta looga qaado iyo la xisaabtanka Hay,yadda caalamiga ee Puntland ka hawlgala dhisida kaabayaasha dhaqaalaha sida balaarinta Dakada Bosaaso dhisida Garoomadda diyaaradaha hirgalinta Macjaro laga dhiso Puntland sida Gaalkacayo galbeedka Dagmada Goldogob oo ay socotay hawshiisu iwm.
Dhanka Dawlada dhexe
Madaxwaynaha Cusub ee Puntland waxaa looga fadhiyaa xaliinta khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dawlada Federalka waana in xal dag daga loohelaa halka dhibku ka jiro si Puntland ay u hesho dhammaan waxay xaqa u leedahay ee uga maqaan Dawlada dhexe halka Puntland-na laga doonaayo inay miiska saarto wixii xaq loogu leyahay ee dawlada dhexe ayku leedahay dabcaan waxaa jira Dastuur kala hagi doona Puntland iyo Dawlada dhexe waxase loo bahan yahay xal dag daga in laga gaaro khalaafka dhex yaal Muqdisho iyo Garoowe waana hawl sugaysa hoganka cusub ee Puntland .
Dhanka Arrimaha gudaha Puntland
Madaxwaynaha cusub Waxa looga fadhiya hirgalinta balanqaadkii uu`usameyey dadka Reer Puntland taas oo ahayd isku keenida Puntland soo celinta gobolada ka maqan Gacanta Puntland cadaalada iyo sinanta dawladnimo fidinta googool looga arinsado Arrimaha Puntland xaqiijinta xuduudaha Puntland taabogalinta Nidaamkii Dimuquraadiyadda,
Ugudabayntii
Soomaalidu waxay dhahdaa farkaliya fool ma dhaqdo waxaa shacabka Puntland looga fadhiyaa inay qaataan kalinta uga aadan hormarinta dhulkooda hadii ay qurbe joogan iyo hadii ay gudaha dalka jogaan waxaa waajiba in shaqsi kasta uu ka sôo baxi kaalinta uga aadan hormarka dhulkiise iyo dadkiisa hadii shacabku isku xiran yahay xataa waxay la xisaabtami karaaan dawlada hogaanka haysa waana mida hormarka lagu gaaro.
![image]()
Horu socodka Puntland iyo Hoganka cusub
Waa qore:Cabdi nuur Faarax maxamud
E-Guuleed72@hotmail.com.
|