Waxay ahayd 7dii janaayo 2014ka Waxaa soo afjarmay ollolihii musharixiinta u tartamayey madaxweynanimada Puntland,waxaa dhamaaday xodxodoshadii siyaasadeed ee xildhibaanada, waxay xildhibaanadu u hoyden guyahoodii iyadoo aan aaminsanahay in hurdo la’aan badani jirtay habeenkaas, waxaan ku dhiiran karaa in xildhibanadu uu haystay welwel weyn iyo masuuliyad qaran wayna ogaayeen xilka loo igmaday culeyskiisa iyo in gacal iyo cadowba sugayo bal sida ay wax yeeli doonaan ,markuu waagu baryey ayaa loo dareerey gollaha baarlamaanka oo ay doorashadu dhacaysay.
Waxay ahayd 8da janaayo 2014ka indhaha aduunyadu waxay eegayeen Puntland, waxay ahayd maalin si weyn loo sugayey , waxaan kamid ahaa boqolaalaka kun oo qurbe joogtaa oo aan habeenkaas seexan shaqada fasax uga qaatay ineey ka marqaati noqdaan indhana ku hayaan doorashada Puntland, welwel nooma yareyn laakiin waxaan marwalba ku kasooneyn oo niyada noo dhisayey kalsoonida aan ku qabnay gudiga doorashada ,isimada iyo dowladaba waxaana fileyney in ay wax walba si wanaagsan ku dhamaan doonaan ,waxay ahayd maalin imtixaan laga qaadayey kartida ,sumcada ,sharafta iyo dimoqraadiyada puntland.
Waxaa tartamayey rag qiima badan oo aan kala dhicin oo gidigood u ordayey wanaajinta ,horumarinta puntland , waa tii la yiri gari laba nin kama wada qoslisee ,hadii si hufan oo xalaal ah loo tartamay oo ay arkayeen indhaha aduunku ,maqlayeen dhagaha caalamku , waxay halkaas guushii ku raacday Prof cabdiweli maxamed cali gaas madaxweynaha dowlada Puntland,
Waxay Puntland ka jawaabtay si xarago leh su’aashii la weeydiiyey ,Waxaa beryey waa cusub , waxaa biloowday isbedekii la sugayey ,Waxaa bilaamay hugun ,waxaa yeeray buun ,waxaa soo curtay roob, waxaa soo carfay saxansaxo ,waxaa gariirey dhulka puntland waxaa mashaxaraday dumarka ,waxaa heesay caruur ta,waxaa gabayo curiyey Abwaano, waxaa malaayiin reer puntiland ah oo aan anigu kamid ahaa ku jajabtay jiriirico, waxay inlmo gobo katiri indhahooda dad badan oo taageerayaal isbedeldoona ahaa.
DUCO & TALLO
Mudane madaxweyne waxaan ilaaheyga weyn oo awooda leh kaaga baryeynaa in ilaaheey kula garab galo xilka culus oo laguu dhiibey, mudane madaxweyne waa ku kalsoonahay hogaankaaga waxaana rajeeyneeynaa in ay puntland hiigsan doonto himiladeeda.
Mudane madaxweyne waaxaad tahay aqoon yahan fahamsan xirfadna uleh hab dhismeedka dowladeed si ay dowladaasi uga jawaabto baahida Puntaland waxaan ra’yigeyga kugula talin lahaa in la dhiso wasaarad horumarinta bulshada iyo ka hortaga muqaadaraadka, waxaan sidaas u leeyahay mudane madax weyne shacabka puntland sida lagu qiyaaso 40% waa dhalinyaro qatarta ugu weyn ee haysata dhalinyarada puntland waa qaadka, waxaa kaloo aan meesha ka maqneyn wiilka yarkaa oo soo koraya qaadku waa isbaaro utaala , waa HOG uu ku dhici karo, hadaan laga badbaadin
Mudane madaxweyne waxaan ku kalsoonahay inaad igu raaci doontid ineeysan dowladaadu ogolaan doonin indhana dib uga qabsan doonin miisaaniyada puntland in lagu rarro diyaarado iyadoo doolar ah loona qaado wadamada deriska ah iyadoo puntland la keenayo diyaarado daroogo ah. Waxaana tusaale kuugu filan Miisaaniyad sanadeedka Puntland waxaa ka badan inta qaadka loo qaato. Arintaasna wax ka qabadkeedana waxaan kugu dhiiro gelinayaa ineey kamid noqoto isbedelka loo riyaaqay oo lawada filayo.
ugu danbeyn si ay howshaani loo hirgeliyana hadii ilaaheey idmo waxaan dhawaan kusoo socdaa Puntland waxaana jeclahay inaan xubinteeyda ka ciyaaro isbedelka puntland, waxaan halkaan ka cadaynayaa inaan diyaarna u ahay inaan howshaas kala shaqeeyo dowlada iyo shacabkaba, anigoo weliba leh qibrad qoto dheer sida looga hortago Qaadka,
Wabilaahi Towfiiq
Abukar Awale ( Qaad-Diid )