Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ururka Nabadda iyo Cadaaladda oo doorashada PL ku tilaamay tilaabo ku dayasho mudan.

$
0
0

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo Cadaalada codka inta damiika nool,dareenka iyo Qiiradda Wadaniyaeed(Muslinimada ku gaashaman)waxaanu si diiran,niyada sami iyo farxadeeda halkan hanbalyo iyo soo dhoweeynba uga gudbineeynaa Gudoomiyaha Cusub Golaha Wakiilada P/Land-Xurmadlle-Saciid Xassan Shire oo si aqlabiyad leh xildhibaanadu codkoodii kalsonidda u siiyeen kadib markii eey ku qanceen inuu yahay shakhsiga u qalma hogaaminta golaha marxaladan cusub isbedelka iyo mustaqbal wanaagsan sahaminteeda leh(Hanbalyo), Mahad celin iyo amaan gudoomiyihii hore Golaha Wakiiladda PL-Xurmadlle- C/Rashiid Maxamed Xirsi.

Shaki kuma jirro in Dowlad goboleedka PL wadadii isbedelka cagta saartay,Barlamaankii yeeshay hogaamiye leh sifooyin aad iyo aad u wanaagsan sidda:-Ehel Diin,Daacadnimo,dadaal iyo kari dheeraad ah,aqoon maamul,hogaamin toosan (Xaq u hiilin) ka nadiif ah guud ahaanba waxyaabaha gunimadda iyo xaaraan ku dhaqmida ku saleeysan sidda:-Xatooyadda,Musuq-maasiqa Eex ku dhaqmidda,Cadaalad daradda,Dhinac u xagliinta iyo guud ahaanba si xun wax ku raadiinta(Maasha Allah)Saciid waa shakhsi leh aragti wanaagsan dal jaceyl ku saleeysan wuxuu gacan weyn ka soo geeysteey shirarkii lagu soo dhisay Dowladihii ku KMG ahaa(tii Cara(Jauuti)iyo tii Inbigaati (Kenya)Xildhibaan ka soo noqday weliba tii Inbigaatii xubin aad iyo aad u Fir-ficoon golihii wasiiradda.

Hanbayo kadib waxaanu ku boorineynaa Gudoomiyaha Barlamaanka PL Xurmadlle-Saciid Xassan Shire gudahada masuuliyadiisa sida ku haboon,dib u habeeynta doorka iyo qaab shaqo barlamaanka iyo dhisidda gudiyo taydooda leh,dib u eegida xeerarka iyo nidaamka dastuurka iyo hanaanka shaqo gudashadda hey’adaha Maamulka (Fulinta) iyo golah garsoorka oo dhaliilahooda leh una baahan dib u eegid iyo toosiin dhab ah, Xurmaadle-Gudoomiye ku dadaal in masuuliyada culus oo aad qaaday noqoto mid guul xaq ah, horumar iyo hanaan wanaag ku soo kordhisay guud ahaanba bulshada Somaaliyeed gaar ahaan mandiqada PL, Xurmaddle-Gudoomiye waayo-aragnimo weyn ayaad u leedahay xaaladaha kala duwan ee dhulka ka jira, baahida iyo qeybaha badan oo dib u dhacu ka jirro barlamaan ahaan ha lagu dadaalo bixin tallo wanaagsan ku saleeysan danta guud (Iskaashi Xukuumad iyo Barlamaan hadafku yahay wax qabad iyo u adeegidda Dadweynaha iyo difaacidda xuquuqdda iyo xoriyadda muwaadinka iyo Illaanta dhaqaalaha, xaq iyo hanaan wanaagsan ku dhaqida deeqaha iyo kaalmooyinka beesha caalamka laga helo, ayadoo xuduudaha Soomaaliya aad idho dheer ku heysaan.

Gudoomiye ku dadaal in Barlamaamku noqdo mid ka turjumadda codka, aragtida wanaagsan iyo baahidda bulsho-weynta (cadaaladu horseed u tahay) Guuleeyso-aamiin), Xurmaadle-Gudoomiye-talaabadda koowaad ha noqoto in si xalaal ah cadaalad iyo xaq soor leh, hufaan iyo gobanimo leh lagu soo doorto Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa si wadada is-bedelku hanaan toosan  u qaado.

Sidoo kalle gudoomiye ku dadaal iskaashiga iyo is-fahanka Golaha Wakiiladda PL iyo Bralamaanka Federaalka (Aqoon is-dhaafsi iyo xiriir wanaagsan) ,gudoomiye talaabadda koowaad in doorashadda Madaxweyneha iyo ku Xigeenkiisu noqoto mid hab xalaal,cadaalad iyo Xaq-soor u dhacda,mid ka nadiif ah laaluush,wax is-dhaafiin iyo eex, qof jecleeysi, hab xaaraan ah iyo hab suuq madoow ah,waa mida koowaad oo lagu qiimeeyn doono golaha wakiiladda cusub PL(Alloow Xaqu Guuleeysto-aamiin,aamiin,aamiin).
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)

-Afhayeenka Guud Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed.

Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-Jan-05-2014.

doorashopuntland_gudomiye_1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369