Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Siciid Xasan Shire oo ku Guuleystay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

$
0
0

Wareega sadaxaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku guulaystay Xil. Siciid Xasan Shire, codeyntiina sidaan bay u dhacday:

1. Xil. Sicid Xasan Shire                                         40 cod

2. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi                           26 cod

Xil. Siciid Xasan Shire ayaa horre u ahaa Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamad Farole, Madaxweynaha Puntland.

Wareega labaad ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxa loo codeeyey qaabkaan:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi                           23 cod

2. Xil. Sicid Xasan Shire                                         23 cod
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo)         20 cod

Wareega sadaxaad waxaa u gudbay xildhibaanada kala ah:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi

2. Xil. Sicid Xasan Shire

Warbixintii horre

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Hoolka Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe doorashada Guddoonka Golaha Wakiiladda ee Dowladda Puntland.

Waxaa isu soo sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland xildhibaanada hoos ku qoran:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi                      Gobolka Mudug
2. Xil. Sicid Xasan Shire                                    Gobolka Sanaag/Haylaan
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo)    Gobolka Sanaag/Haylaan
4. Xil. Maxamad Cali Guled                                Gobolka Sanaag/Haylaan
5. Xil. Axmed Cali Xaashi                                   Gobolka Sanaag/Haylaan

Musharixiinta xilalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye xigeenka 1aad iyo 2aad, ayaa Baarlamaanka hortiisa ka jeediyey khudbooyin ay kaga waramayaan taariikh nooleedkooda iyo barnaamijkooda waxqabad hadii ay ku guuleystaan xilalka Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Dhammaan 66-xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland ayaa shirkaan xaadir ka ah, waxaan shirka maamulaya Guddiga Doorashada uu Gudoomiye ka yahay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.

Xil. Saadiq ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta wareega koowaad ee doorashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi                            17 cod
2. Xil. Sicid Xasan Shire                                           17 cod
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo)          16 cod
4. Xil. Maxamad Cali Guled                                        9 cod
5. Xil. Axmed Cali Xaashi                                          6 cod

Hal (1) cod ayaa khasaaray, sida uu sheegay Xil. Saadiq. Sidoo kale, Xil. Saadiq ayaa sheegay in wareega 2-aad ay ku gudbi doonaan:

1. Xil. Cabdirashid Maxamad Xirsi
2. Xil. Sicid Xasan Shire
3. Xil. Cabdixakim Maxamad Axmed (Dhoobo).

xildhibaan siciid (1)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles