Maalinimada Beri ah waxay xildhibaannada baarlamaanka Puntland -ee maalmo kahor la dhaariyey- ay dooran doonaan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka golaha, waxaana jira tiro xildhibaanno ah oo labadaas xil u sharraxan.
Xilka guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ilaa iyo hadda shaaciyey inay u tartami doonaan xildhibaanno ay tiradoodu afar tahay. Xildhibaanadaas oo badankoodu kasoo jeeda gobolka Sanaag waxay magacyadoodu kala yihiin:-
1-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xirsi: waa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland waxaana xilkaas loo doortay sanadkii 2008. C/rashiid Maxamed Xirsi wuxuu baarlamaanka kasoo galay gobolka Mudug.
2-Xildhibaan Siciid Xasan Shire: waa wasiirkii hore ee xannaanada xoolaha Puntland, wuxuuna kamid yahay xildhibaanada baarlamaanka kasoo galay gobollada Sanaag iyo Haylaan.
3-Xildhibaan Axmed Cali Xaaji: wuxuu horay uga tirsanaa baarlamaankii uu waqtigiisu dhammaaday, isagoo qayb ka ah 21 xildhibaan oo dib mar kale baarlamaanka cusub ee dhowaanta la dhaariyey uga mid noqday. Axmed Cali Xaaji wuxuu baarlamaanka kasoo galay gobolka Sanaag.
4-Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed: Gobolka Sanaag ayuu baarlamaanka kasoo galay, wuxuuna kamid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa baarlamaankii uu waqtigiisu dhammaaday, dib ayeyna beeshiisu mar kale isaga usoo xusheen.
Dhanka kale, waxa jira tiro xildhibaano ah oo sheegay inay u tartami doonaan xilka guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada ee maamulka Puntland, waxaana xildhibaanadaas oo dhammaantood kasoo jeeda gobollada Bari iyo Gardafuuy kamid ah:
1-Xildhibaan C/risaaq Siciid Aadan: wuxuu kamid yahay xildhibaanada cusub ee kusoo biiray baarlamaanka Puntland haseyeeshee horay xilal kala duwan ayuu uga soo qabtay maamulka Puntland, wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Bari.
2-Xildhibaan C/xamiid Sheekh C/salaam: waxaa uu kamid ahaa xildhibaanadii ku jirey baarlamaankii hore ee Puntland, wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Bari.
3-Xildhibaan Salaad Xareed Cali: waa ruug caddaa siyaasadda Puntland muddo dheer ku dhex jirey, waana guddoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha wakiillada ee Puntland shantii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Gardafuuy.
Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland ayaa dhici doonta maalinta Sabtida ee taariikhdu ay ku beegan tahay 04-01-2014.