Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Kampala ayaa ka hadlay Xaalada Soomaaliya, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolada dalka.
Sheekh Shariif ayaa Khudbadiisa ku soo beegay sanadka cusub, isagoo ugu baaqay dhinacyada abaabulaya colaadaha inay joojiyaan, isla markaana isa saamaxaan sida uu yiri
“Waxaa ugu baaqayaa dadka ku howlan inay abaabulaan colaadaha oo ay dilaan walalahooda aad ayaa uga xumaha in gobolada laga soo sheego dagaalo, laabatan iyo dhowr sano qori isu qaadanay oo la is dilayay waa in laga waantoobo, maanta dariiqaas waa xiran yahay, inaan ku laabano ma ahan”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.
Shariif ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay i dhaqamo horay laga soo tagay inay soo laabtaan, oo la gubo tuulooyin dad aan waxba galabsan la dilo, lana barakiciyo haween iyo caruur.
“In dhaqamo waqti hore inay suulaan aheyd in tuulooyin la gubo dad aan waxba galabsan la dilo, caruur iyo haween la barakiciyo, in dhibaato loo geysto aad ayaa uga xunahay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Shariif.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in loo baahan yahay in xilligan dalka gaaro midnimo, isagoo xusay in umad walba ay leedahay Himilo, isla markaana dadaal badan lagu bixiyo nabada, dowladnimada iyo walaalnimada sidii loo xoojin lahaa, lagana shaqeeyo wixii dalka, danta iyo diinta wanaaga u ah,
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa tan iyo markii sanadkii 2012 si dimoqraadi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaga guuleystay doorashadii dalka ka dhacday waxaa uu ku noolaa dalka dibadiisa.