Bilowga bisha Janaayo ee sanadka 2014 ayaa waxaa dhaqan galaya isbedel cusub oo lagu sameeyay sharciga Dublin ee maareeya xuquuqda magangalyo doonka ay ku leeyihiin qaarada Yurub.
Bartimihii sanadkaan ayaa baarlamaanka Yurub waxa uu codkii ugu dambeeyay u qaaday isbedalada lagu samaynayo sharciga Dublin oo ay ku heshiiyeen inka badan 26 dowladood oo ka tirsan qaarada yurub.
Isbedalka lagu sameeyay sharciga Dublin ayaa ah mid inta badan quseeya sidii loo mideyn lahaa qaabka loo qaabilo magangalyo doonka guud ahaan qaarada Yurub, iyagoo doonaya in dhamaan wadamada ay isticmaalaan nidaam isku mid ah. Waxaa qaasatan isbedalka xooga lagu saaray in muhiimada la siiyo isku haynta familada oo qofka magangalyo doonka ah loo keeno reerkiisa ama loo geeyo haddii ay wadan kale oo Yurub ah ku noolyihiin.
Waxaa kale oo ka mid ha isbelada in qofka magangalo doonka ah ee sharciga loo diiday aan xabsi lagu xiri karin haddii uusan qatar ku ahayn amaanka wadanka. Waxaa kale oo aan la ogolayn in qofka lagu celiyo wadankiisa hooyo ama wadan kaleba haddii uu kala kulmi karo dhibaato.
Qorshahaan cusub ayaa la filayaa in uu si toos ah ugu dhaqan galo dalalka ku heshiiska ah nidaamka dublinka waxaana uu si aad ah u saameyn doonaa dalalka ugu horeeya ee maganyadala siiya dadka qaxootiga ah ee yimaada qaarada yurub sida dalalka Malta, Talyaaniga, Germany, Switzerland, Austria, Swedan, norway, iyo kuwa kale ee sharcigaasi wadaafa oo ay ku jirto Dalka Boqortooyda Ingriiska.
Heshiiskan cusub oo ay wada gaareen dowladaha yurub ee ku mideysan nidaamka Dublin-ka laguma xusin waxa laga yeelaayo qoyaska kala maqan ee ku nool qaaradaha kale ama dalalka kale ee ka baxsan qaarada yurub
Hadii dhaqan galinta heshiiskan ay ka dhabeeyaan dowladaha yurub ee ku mideysan sharciga Dublin-ka waxa ka faa’iideysan doono qoyas fara badan oo ku kala nool dalal kala duwan oo ku yaal qaarada yurub.