Wasiirkii hore ee Dhaqaalaha Lubnan iyo afar kale ayaa lagu dilay qarax bartamaha magaalada Beirut ka dhacay, kaasoo ahaa qarax aad u xoogan oo geystay waxyeelo ballaaran.
Qaraxan ayaa ka dhacay meel ku dhow Xarunta Baarlamaanka dalka Lubnan, kadib markii gaari looga shakisan yahay in walxaha qarxa ka buuxeen lagu bartilmaameedsaday gaariga uu la socday Mr Chatah.
Mohamed Chatah ayaa sidoo kale ahaa La taliyihii Ra’iisul Wasaarihii hore Saad Hariri, waxaana la dilay xilli uu ku sii jeeday shir uu lahaa garabka Mucaaradka Suniyiinta Lubnan.
Ilaa Kontan ruux ayaa u dhaawacmay qaraxa, iyadoo bur bur uu soo gaaray dhismayaal ku dhow oo ay ku jireen Hotelo.
Dagaalada ka socda Suuriya ayaa saameyn ku yeelatay Lubanan, tan iyo markii Ururka Xizbullah uu ciidamo diray Suuriya, si uu u taageero dowladda Bashar Al-Asad.
Xiisada u dhaxeeysa Shiicada iyo Suniyiinta ayaa sii xoogeysaneyd dhowrkii bilood ee u dambeeyay, wixii ka dambeeyay ay xoogeysteen dagaalada Suuriya ka socda.