Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ahmiyadda Amnigu leeyahay iyo ilaalintiisa oo si faahfaahsan loogu soo qaatay habeenkii labaad ee Nadwada Garowe(Sawiro).

$
0
0

Magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland waxaa habeenkii labaad ka socda Nadwo loo qorsheeyay in ay mudo afar habeen ah socoto islamarkaana looga faa’ideeyo bulshada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Nadwadan oo ka socota Masaajidka Xaaji Cali ee magaalada Garowe ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayay marxaladan ay hada Puntland marayso ee la xiriirta Doorashooyinka iyo Ololaha socda, Nabadagalyada iyo arrimaha Bulshada.

Habeenimadii xalay ahayd waxay Muxaadaradu ku saabsanayd Ahmiyada Amniga iyo Ilaalintiisa, waxaana soo jeedinayay Sheikh C/naasir oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Mawduucyada ay Nadwadani ka kooban tahay soo jeedinayay.

Hadaba Qoraal ay Culimadu ka soo saareen Gabagabadii Muxaadaradan oo ay ku sharaxayeen Mawduucan Habeenimadii xalay haayd laga hadlay ayaa sidan u qornaa:-

Haabeenkii 2aad

Shiikh C/naasir

Shiikha ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday ahmiyadda amnigu leeyahay iyo in xil ka saaran yahay qofkasta ilaalintiisa .

waxa uu aad uga digay khatarta ka imaan karta in qofku ka sheekeeyo wax kasta oo uu maqlo uuna faafiyo isaga oo aan ka fakarin halista amni ee ka imaan karta, sidaa darteed ayuu shiikhu aad u adkeeyay in aan iska ilaalino fadhi kudirirka iskana fiirinno waxa aan kaga sheekaynayno.

waxa shiikhu sheegay in islaamku aad uga taxadaray amniga uuna siiyay bulshada muslimka ah hababka  ugu fiican ee lagu ilaalin karo amniga.

Waxaa shiikhu soo bandhigay tobon qodob oo haddii la helo lagu gaarayo amni wanaagsan:

1.     Iimaan dhamaystiran in lahelo oo qofku leeyahay ,maxaa yeelay  asal ay isku xiran yihin amniga iyo iimaanka  qofkastana amnigiisu leg yahay inta imankiisu le’egyahay.

2.     In qofku noqdo qof wanaagsan ee ilaahay ku xiran si wanaagsanna u caabuda ,taasoo macneheedu yahay markasta oo qofku ilaahay ku xiran yahay inuu ka fogaanayo wax kasta oo mani darro keeni kara.

3.     Habka sadexaad ee lagu gari karo amniga waa ducada ,waxaana laga rabaa qof kasta oo muslim ah in ilaahay ka baryo amni uuna fahmo ducadu inay tahay furaha albaabada khayrka aduun iyo aakhiraba.

4.     Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo amniga waxaa kamida in lagu xirmo dadka culimada ah ee aqoonta leh iyo wax gardka ,taasoo macneheedu yahay in talada aan cid kasta gacanta loo galin ee loo daayo dadka wax garadka ah.

5.     In maamul lahelo iyo dawlad loona aqoonsado dawladnimadu in ay tahay in dadka danhooda laga shaqeeyo ee aan laga dhigan meel laga cooto oo xoolo laga aruursado .

6.     In bulshada lagu wacyi galiyo ahmiyadda amnigu leeyahay iyo waliba khatarta ka dhalan karta amni darada ,lana fahnasiiyo bulshada in sidaa lagu gaari karo midnimada iyo iku duubnida waayo dadku waxa ay wada saaran yhiin.

7.     In la helo walaaltinmo iyo isku duubni , lalana diriro qabyalada iyo wax kasta oo ka horimaanya isjacaylka iyo isku xiraanta bulshada iyo midnimadeeda.

8.     In laladiriro dhibka iyo wax kasta oo cid dhibaato u gaysan kara ,taasna loo baahanyahay in qofkasta uu ka bilabo naftiisa muslimkuna ka nabadgalo afkisa iyo adinkiisa.

9.     In la dhaqan galiyo sharciga islaamka laguna dhaqmo qawaaniinta islaamka ee qofka xadidaysa habdhaqankisa,lana mariyo qofka amni darada wada ciqaabta uu mudan yahay si loogu quusqaato asna uga waantoobo inuusan mardanbe unoqon.

10.   Inaan ku shukrinno nimcada ilaahay oo ay ugu horayso islaamnida amniga walaltinimada isku duubnida si ilaahay noogu daayo ,haddii kale ilaahay waxa uu nogu badlaya hoog iyo colaaad ,sidaa darteed waa inaan  noqonaa cid xagsankarta ilaahay nimcadiisa.

 Shiikh daahir

Shiikh daahir ayaa u mahad celiyay shiikh cabdi nasir kuna amamaanay sida xesha dheer ee codkornimada leh ee uu uga hadlay mawduuca amniga, una duceeyay in ilaahay khayrka waafajiyo.

Shiikh daahir ayaa ku dheeraaday in laga shaqeeyo danta guud ee amnigu kamidyahay in ay ubaahantahay in qofka xilkeeda qaadaya yahay qof lagu aamni karo arintaas waan afariinta ay gudanayeen dhammaan nabiyadii ilaahay soo diray.

Amnigu waa baahida ya dareemayaan biniaadanka kuwii hore iyo haddaba ,jinka ,xaywaanka ,hadiii la xaqiijiyo cadaaladna ay kala nabada galayaan dhammaantood taasina waa mid hoaray loo tijaabiyay tusaalena kuugu filantahay wixii dhaca markii xilka uu hayay cumar inu cabdi casiis, hadaba soomaalidu waxay u baahantahay caddaalad iyo dad masuuliyadda umada lagu aamini karo si ay u gaaraan nabadgalyo.

Shiiku wuxuu ka sheekeeyay qax kalduwanee taariikhda soomaalida soomary  isga oo sheegay in kuwii hore aykeeni jireen sababo xagga dhaqaalaha balse kan ugu danbeeyay  ay keentay amni darro uuna yahay kan ugu samaynta badan soomaalida ilaa ay tusaale unoqdeen wax kasta oo xun ,taasna ay noogu wacantahay in aan si khaldan xukunka u doonay ilawnayna in xilku yahay masuuliyad iyo in dadnaha umadda laga shaqeeyo.

Waxa uu tilamaamay shiikhu dawrka muhimka ah ee isimadu iyo odayaasha dhaqanku ay ku leeyihin badbadinta bulshada iyo manigooda isaga oo sheegay in lagu baxsaday xiliyo badan oo adag.

Shiikha ayaa ku soo gabagabeeyay in  ujeedka nadwadu inay tahay in aan isha ku hayno marxaldda kal guurka ee aanu hadda galayno qofkastana dawrkiisa ka qaato sugidda amniga iyo isku duubnida.

DSC02405 DSC024021 h

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles