Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay Xaflad lagu Daah-furey Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya(Sawiro).

$
0
0
Muqdisho, 22 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafladii Daah-Furka
Baasaboorada cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ka qeybgalay, isla
markaasna ku dhiiri geliyey shacabka inay Waraaqaha Aqoonsiga
sameystaan.

Xaflad daah-fur ah oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo
qeybgalka ku wehliyey Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiiru Dowlaha iyo
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasiiro, xildhibaano,
diblomaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood, Agaasimaha Guud ee Hay’ada
Socdaalka iyo Jinsiyada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa
Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamud Axmed Nur (Tarzan) iyo ka soo
qeybgalayaal fara badan. Xafladan ayaa lagu daahfurayey Baasaboorka
cusub (e-passport), oo ah mid casri ah oo caalamku ictiraafsanyahay.

General Gaafow ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub oo uu
sheegay in hadda waxii ka danbeeya aan la bixin karin baasaboor cusub
oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato
warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada
muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali. General Gaafow
ayaa sheegay in baasaboorka cusub iyo waraaqaha aqoonsiga ay leeyihiin
calaamado dhanka amniga ah oo aan been-abuur lagu sameyn karin.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Tarzan ayaa sheegay
inay diyaariyeen xafiiskii diiwaangelinta oo casriyeysan, isla
markaana uu shaqsi walba xaq u leeyahay in loo sameeyo dokumentiyada
muhiimka ah. Suuqa Cabdalla Shideeya waa laga maarmayaa oo
dokumentiyadan ma aha kuwo been abuur lagu sameyn karo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isagana sheegay in dokumentiyadan
muhiimka ah ay wax weyn ka tarayaan amniga dalka oo qof walba uu
yeelanayo warqadda aqoonsiga oo caddeyneysa shaqsiga, isla markaana
telefoonada iyo dhammaan hay’adaha dowligu ay isticmaali doonaan
waraaqahaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey xafladda daahfurka ayaa ku
dhiiri geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim
u ah dalka, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa yiri
“Hay’adaha ku howlan barnaamijkan waa inay shacabka Soomaaliyeed u
fududeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo
dokumentiyada muhiimka u ah in shaqsiga uu helo baasaboor, isla
markaana adeegyadan la gaarsiiyaa dhammaan deegaanada gobolada iyo
degmooyinka dalka. Dowladdu in muddo ah bey ku howlaneed sidii
qalabkan casriyeysan loo heli lahaa oo aan ula tartami laheyn
caalamka. Sidaas daraadeed shacabka waxaan ka codsaneynaa inay
sameystaan dokumentiyadan muhiimka noo wada ah oo xaqiijinaya
Soomalinamada.”
– DHAMAAD -

2 3 4 5 6 7 8 9 90
 Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to
the President of Somalia, Office of the President of the Federal
Republic of Somalia, yarisow@presidency.gov.so,
engabdirahman@gmail.com, Twitter: @thevillasomalia, @engyarisow,
Facebook: Eng. Yarisow, +252615479911.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles