Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Garoowe:Kulamo Hoose ayaa u socda Waxgaradka iyo Musharixiinta Puntland.

$
0
0

Kadib markii maalintii  Taariikhdu ahayd 17-12-2013 uu burburey kulankii dhexmarey Madaxweynaha Puntland iyo musharaxiinta u taagan doorashada dhaceysa Jan 8, 2014 ayaa waxaa magaalada Garowe ka socda dadaalo ay wadaan waxgaradka iyo siyaasiyiin kuwasoo lagu xalinayo khilaafaadka taagan.

Warar aanu  si hoose u helnay ayaa sheegaya in Xidhibaano iyo qaar ka tirsan Issimada Puntland kulamo la qaateen qaar ka tirsan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland kuwaasoo sheegaya inuu jiro is-fahan rajo wayn leh.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo kor u dhaafaya labataneeyo ayaa waxaa jahawareer ka taagan yahay sidii wadaxajood buuxa loola gali lahaa kuwasoo wata ujeedooyin siyaasdeed oo kala duwan.

Kulankii burburey  Dec 17,2013 kaasoo ay daba-socotey casumaad qado ah oo Madaxweynaha Puntland u fideyey martidii kusoo booqatey aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa uu dood xoogweyn ka dhex dhaliyey shacabka Puntland kadib markii ay murashaxiintu diidmada casumadaas cod u qaadeen.

Shacabka Puntland oo kaashanaya issimadooda iyo waxgaradkooda ayaa awood u leh iney xalistaan khilaaf walba oo siyaasdeed kuwaasoo kaga gudba waqtigaan oo kale wadajir.

kulanka


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles