Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dhaqaatiir Ajnabi iyo Soomaali oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.

$
0
0

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Dhaqaatiir Ajnabi iyo Soomaali lagu dilay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, kadib markii dabley hubeysan ay wadada u galeen.

Sida ay sheegayaan wararka weerarkan ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar dhaqtar oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Suuriyaan, halka midka kalena uu ahaa Soomaali, kuwaasoo ka howl galayay Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay  in saddex dhaqtar oo Suuriyaan ah ay ku dhinteen weerarka, halka mid kalena uu baxsaday, waxaana ku jira dadka dhintay darawalka gaariga oo Soomaali ahaa.

Dableyda hubeysan ee jidka u gashay ayaa rasasa ooda uga qaaday gaariga oo ka yimid dhinaca Muqdisho, kuna sii jeeday Isbitaalka Fiqi ee ku yaal deegaanka Siinka Dheer.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ee weerartay dhaqaatiirtan ay xirnaayeen dareyska ciidamada dowladda.

Dableyda weerarka ka dambeysay ayaa baxsaday, iyadoo aan la garan heybtooda, ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta wax ka dhaceen.

ceel_macaan_large


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles