Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Somalia “Dagaal beeleedka waa arin aan loo dulqaadan karin”

$
0
0

Muqdisho, 17 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo warbaahinta maanta Muqdisho
kula hadlay ayaa ka hadlay collaadaha iyo dagaalada ka soo
cusboonaaday deegaanada qaarkood oo uu yiri “ Waxaan marka hore tacsi
u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada.
Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka
dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo
Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo
collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa
jira kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinayo,
ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad
dhisidda.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay
dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata,
waxuuna yiri “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo
dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda
iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa
inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan
khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”

“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo
collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta
nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan.
Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si
nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u diray baaq Odayaasha dhaqanka,
aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo
collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta
wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka
dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa inay dowladda la
shaqeeyaan oo qaswadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay
diidan yihiin in dalka uu ka hirgalo dowladnimo, kala danbeyn iyo
sharci.
– DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to
the President of Somalia, Office of the President of the Federal
Republic of Somalia, yarisow@presidency.gov.so,
engabdirahman@gmail.com, Twitter: @thevillasomalia, @engyarisow,
Facebook: Eng. Yarisow, +252615479911.

IMG_0483 IMG_0496 IMG_0529

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles