Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyed Nabadda,Midnimadda Iyo cadaaladda inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed karaamada ummadeed,gubanimada, midnimadda iyo xurmada Somaalinimo ku taagan,waxaanu soo gudbineeynaa Baaq Nabadeed colaada,dagaalka soo noq-noqnaaya ka socda degaamada ka tirsan G/Sh/oose(Hooyga Barwaaqada)ku saleeysan hab beeleed iyo awood isuadeegsiga ayaan daradiisa leh(welina Ciidankii dowladda ku laban eey aheyd in eey dalka iyo dadkba difaaco.
Urur ahaan waxaanu marka koowaad ka tuugeeynaa Raxaanka in colaadaas xanuunkeeda weyn le,khasaareeda iyo cawaaqib xumadeeda leh nabadeeyo wadada xaqa iyo dhanka suuban ku jiheeyo-Amiin,Odayaasha Dhaqanka,Culimada, Aqonyahanka iyo shakhsiyada magaca iyo maqaamka ku leh degamadaas iyo Beelahaas dagaalamaayo in eey masuuliyadooda Diineed, Dadnimo iyo dhaqameed sida ku haboon gutaan,dagaal joojiin,nabadeeyn iyo xal u raadiin dhibaatada taagan murugadeeda iyo waayo xumadeeda leh,waa in Islaanimadda,Caqiga Fiyoow,Talada wanaagsan iyo walaalnimada somaliyeed mudnaanta la siiyaa lagana fogaadaa taladda ku saleeysan caqliga foorara,adeegsiga hubka dilaagga ah,luqada naceeyb iyo colaad abuurida ah iyo dheeri-gelinta belaayo qabyaaladu ka dameeysao.
Urur ahaan waxaanu dhaliil culeeyskeeda leh dusha uga tuureeynaa Dowladda Fedraalka Somaaliyeed,weliba si gaar ah Madaxda Sare-Xurmadlle-Madaxweyne-Xassan Sh.Maxamuud iyo Xrmadlle-Gudoonka Barlmaan-Maxamed Sh.Cismaan(Jawaari) Wasaaradda arrimaha gudaha,Gaashaan-dhigga iyo Cadaalada iyo Xildhibaanada Barlanaanka labadaas beelood ka soo jeeda oo qeyb weyn u leh hulciinta colaada iyo adeegsiga luqadda Qabyaaladeeysan fidnimo abuurida ah,waaa arrimaho ayaan daradeeda iyo garasho xumadooda-ba leh,G/Sh/Hoose barwaaqo iyo degaan samo-wanaag ah,balse intii dowladii kacaanka eey dhacday waxaa ka jiray dhibaatooyin awood adeegsi,dhul bood, Colaad isireed iyo ku amar taagleyn qab-qable-nimo iyo hub adeegsi ku saleeysan maamuladii dalka soo maray si cad oo cadaalad daro ka dameeyso indhaha uga qarsanaayeen,eeyna haboon tahay in xiligan KMG-kii laga baxay in tallabadda ku haboon la qaado, cidii ama dhinacii dulmi iyo xadgudub wadda cadaalada la hor-geeyo,anagoo og in ummadda Sh/Hoose baahi weyn u qabaan hanashada nabadgelyo,cadaalad ku dhaqan iyo walaalnimo ku wada noolaansho iyo hab xaq soor leh.
Gunaanadka waxaanu mar labaad ku baaqeeynaa joojnta dagaalka iyo colaada khasaaraheeda leh,fadlan caqligu ha taliyo.
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Dec-17-2013.