Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa ku dhawaaqay in la fashiliyay isku day la doonayay in lagu afgambiyo, kadib dagaalo culus oo ka dhacay Magaalada Jubba ee Caasimada Koofurta Sudan.
Madaxweyne Salva Kiir oo goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan ammaanka caasimada, isagoo ku eedeeyay kuxigeenkiisa hore Riek Machar uu doonayay inuu afgambiyo.
Iska hor imaadyo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Madaxtooyada ayaa ka dhacay xero milateri oo ay ciidanka leeyihiin.
Dad rayid ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadyada, halka boqolaal ruux ay barakaceen, Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Koofurta Sudan haweeneyda lagu magacaabo Hilde Johnson ayaa ka codsaday dhinacyada dagaalamaya inay xabada joojiyaan oo ay u turaan shacabka
Bandow habeenkii ayaa lagu soo rogay magaalada Jubba, kaasoo Madaxweynaha Koofurta Sudan uu sheegay in ammaanka lagu soo celinayo.
Afhayeen u hadlay Milateriga ayaa ugu baaqay dadka rayidka ah in aanay guryahooda ka soo bixin, inta laga xaqiijinayo ammaanka.
Waxaa xiran garoonka diyaaradaha magaalada Jubba, sidoo kale goobaha ganacsiga ayaa iyana albaabada loo laabay.
Dalka Sudan ayaa waxaa ku sugan Soomaali fara badan oo ganacsato ah, iyadoo la soo sheegay in iska hor imaadyadii dhacay ay saameyn ku yeesheen.
Ninka lagu magacaabo Riek Machar oo ahaa Madaxweyne kuxigeekii hore Koofurta Sudan ayaa tan iyo markii la ceyriyay waxaa dalkaas ka jiray xiisado siyaasadeed, iyadoo hogaamiyahan uu sheegtay inuu doonayo in tartanka madaxtinimada dalkaas uu sanada 2015 kula tartamo Madaxweyne Salva Kiir.
Koonfurta Sudan oo ah dalka ugu yar aduuka ayaa xornimadeeda ka qaadatay Sudan-ta kale sanadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen.