Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Maxamed Cabdi Affey oo Danjire Loo Magacaabay.

$
0
0

Urur goboleedka IGAD ayaa maanta si rasmi ah ugu magacawday Danjire Maxamed Cabdi Affey ergeyga gaarka ah ee ugaga wakiil ah dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay Xoghayaha guud ee Ururu goboleedka IGAD Maxbuub Macallin ayaa lagu sheegay in IGAD u magacaawaday Maxamed Cabdi Afey inuu noqdo ergayga ururkaas u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu Maxbuub u rajeeyay danjiraha in uu howsha loo xilsaaray ka soo dhalaalo waxana uu qiray xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD in muhiimad gaar ah uu u leeyahay dalka Soomaaliya urur goboleedka IGAD.

Danjire Maxamed Cadbi Afey ayaa horay usoo noqday safiirka Kenya u qaabilsan dalka Soomaaliya sanadkii 2003dii, wuxuuna qeyb ka weyn ka qaatay dhismaha dowladda Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya.

Sidoo kale danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa ahaa wakiilkii metelayay dalka Kenya xafladii lagu caleemo saaray madaxweynihii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan.
afey_am


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles