Madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ahaa ee madax ka noqda wadanka Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa maanta lagu aasay tuuladii uu ku dhashay ee Qunu.
Aaska ayaa ahaa mid ay ka soo qeybgaleen hogaamiyayaal iyo marti sharaf badan, oo ay ku jiraan dhaxalsugaha boqortooyada Ingiriiska Charles, Boqorka Lesotho iyo Boqorka Monaco, xubno ay ku jiraan maalqabeenada caanka ah sida Richard Branson iyo Oprah Winfery.
Hogaamiyaha Dhaqanka ee qabiilka uu ka dhashay Mandela ayaa raali gelin ka siiyey Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob zuma in shacabka ku buuqeen xuskii todobaadkii hore ka dhacay istadiyumka magaalada Johanesburg.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay xubno kamid ah Qoyska Mandela iyo waliba saaxiibkiisii Axmed Katadrah oo ay muddo 26 sano ah kuwada xirnaayeen Xabsiga jasiirada Robben.
Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Xaylemaryam Deselenge (Hailemariam Desalegn), oo ah Madaxda Midowga Afrika, isagoo sheegay in Mandela uu meel weyn uga yaal dhamaan shacabka Afrika, isagoo soo hadal qaaday xiligii Mandela uu tababarka kusoo qaatay wadanka Itoobiya muddo 6 bilood ah, wakhtigaasi oo ay ururka ANC uu bilaabayey jabhadii la dagaalameysay xukumadii Cadaanka koonfurta Afrika.
Madaxda goobta ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Malawi Joyce Banda oo xiligan ah Madaxa ururka dhaqaalaha ee wadamada Koonfurta Afrika iyo Madaxweynaha Wadanka Tanzania Jakaya Kikwete, dalka Tanzania ayaa ahaa wadankii ugu horeeyey oo Basboor siiyey Mandela xiligii uu tababarka militari u aaday wadanka Itoobiya.
Waxaa gabagabadii xuskan aaska Mandela ka hadlay Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Kumanaan ruux oo ka kala yimid magaalooyinka dalka Koofur Afrika iyo wadamada u dhow dhow ayaa ka qeybgalay aaska loo sameeyay madaweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Nelson Mandela.










