Dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo dagaalkii xalay uu si guud u saameeyay magaalada oo dhan.
Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa magaalada Baydhabo ka soo weeraray saddex jiho, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isticmaaleen madaafiic xoogan oo ay isaga difaaceen weerarada Shabaab ku soo qaaday.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu ahaa kii ugu cuslaa mudooyinkan ka dhaca magaalada, iyadoo xoogaga Shabaab gudaha u soo galeen bartamaha magaalada Baydhabo.
Goobaha Al-Shabaab ka soo weerareen magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah wado ka timaada degmada Waajid, dhinaca Baar Bakiin ee wadada Xamar aada iyo suuqa balka, halkaasoo ahaa goobo fariisin u ahaa Al-Shabaab.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraray saldhiga booliska ee Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baydhabo, halkaasoo iska hor imaadka ugu culus uu ka dhacay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Mahad C/raxmaan ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab ku soo qaaday, isagoo xusay inuu ugu dhaawacmay hal askari.
“Magaalada xalay Shabaab soo weeraray jawaab xoog leh ayaa la siiyay, ciidamada waa la dagaalameen, waana la iska caabiyay, saddex goobood ayay naga so weerareen”ayuu yiri Col. Mahad C/raxmaan oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkii xalay ay ku qaaday Baydhabo, hase ahaatee weeraradan ayaa ka mid ah kuwo Al-Shabaab mudooyinkii u dambeeyay ku qaadeysay qaar ka mid ah gobolada dalka.