Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweyne Faroole oo eedeyn Dusha uga Tuuray Musharax C/weli Gaas(Sawiro+Cod).

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta hadal kulul oo weerar dhanka afka ah ku qaaday dhigiisa kula tartamaya xilka madaxweyne nimo ee Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Faroole oo maanta ku soo laabtay dalka ayaa hadalkan sheegay in uu u khudbeenayay shacab farabadan oo soo dhaweeynayay una durbaan tumayay.

Halkan ka Dhegayso Khudbad uu Ujeediyey Taageerayaashiisa.

Waxa uu ku tilmaamay Musharax C/wali Gaas in uu yahay in lugooyo ku wada Puntland, Kalaqeyay dadka Puntland, isimadii in uu isku diray, dowladnimadiina xumeeyay,

“Maalin dhoweyd waxa uu sheegtay Been, in uu isagu puntland burcad ka sifeeyay, anagiina waxa uu nagu sheegay burcad badeed” Sidaasi waxa yiri Dr Faroole.

Hadalkiisa Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray in C/wali Gaas uu sidoo kale been ka sheegay mashaariicda dekeda iyo Airport-ka Boosaaso uuna sheegtay been ah in uu isagu ka dambeeyay oo uu dhisay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay  in uu C/wali Gaas Aflagaadeeyay Puntland, ciidanka, Odayaasha Dhaqanka, iyo beelaha sool iyo sanaag, sidaasi awgeedna aanay cidi dooraneynin isago shacabka kala dooran siinaya iyana ay maya u leeyihiin ayuuna hadalkaas sheegay madaxweyne Faroole.

”Macalin buu ahaa Jeesto wax ku dhiga waan qabaa maadadaas dhaqaalaha inuu yaqaan laakiin macalinimadiisii intuu ka tagay buu wuxuusan shaqo ku lahayn doonanayaa,wuxuu aflagaadeeyay Puntland,wuxuu aflagaadeeyay oo meel kaga dhacay ciidanka Amniga,wuxuu aflagaadeeyay Odayaasha dhaqanka,wuxuu aflagaadeeyay beelaha Sool iyo Sanaag intaa Nin isku darsaday Puntland ma dooran kartaa”.

Dr Faroole ayaa sidoo kale ugu gabyay musharax Gaas Gabay hada ka hor uu u qaaday gumeystihii alaha u raxmadee Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Sidoo kale Dr Faroole ayaa ku tilmaamay musharaxiiinta Puntland ee dhacaya waxaan sameyneynaa isbedel in ay mushaar ka qaataan madaxweynaha Soomaalliya XAsan Sheekh Maxamuud islamarkaana ay doonayaan in Puntland aanay doorasho ka dhicin sidaasina ku burburta hadhowna madaxweynaha Soomaaliya uu u soo magacaabo gudoomiye gobolo yaal.

Xafiiska Puntlandpost ayaa isku howlay inuu idins oo gudbiyo muuqaalka dadkii soo dhaweeyay siday ahaayeen.

253-450x342

8 7 9 10 16 11 15 14 13 12 17 18 19 20 21 26 24  23 22 27 28 29 30 31 32 33

34

3536373839404142434445464748495051


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles