Magaalada Toronto ayaa waxaa habaynkii Axada lagu qabtay Xaflad aad u ballaaran oo si wanaagsan loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland iyo reer Jubaland.
Xafladaas oo lagu taageerayay Mudane Madaxwayne Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Faroole, waxaa xafladaas hadalo qiimo leh ka jeediyay Odayaasha, Aqoonyahanka, iyo wax gardaka jaaliyada rag iyo Dumarba.
Xafladaas oo miisaankeeda laga dareemayay labeenta jaaliayada oo xalay halkaas isugu timid ayaa waxaa aad looga sheekeeyay asaaskii Puntland gaar ahaan waxqabadkii Xukuumada hada talada haysa oo uu Hugaaminayo, Dr. Faroole, dadka wajiyadooda waxaa ka muuqatay qiirad aad u ballaaran iyo dareen wadanimo.
Ugu dambayntii jaaliyada halkaas isugu timid waxay ka codsadeen xildhibaanada Codka bixinaya inay codkooda ku taageeraan hormarinta Puntland codkana siiyaan Dr. Faroole maadaama hawla badan uu soo qabtay marxalada maanta la marayana aad loogu baahanyahay, waxa ka dhimana lagala shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa,
waxay sidoo kale soo dhaweeyeen sida qurxda badan ee ay ilaa hada ku socoto ololaha iyo tartanka Doorashada waxay kula dardaarmeen Xukuumada, Musharaxiinta kale, iyo shacabkaba inay nabad galyada wax kasta ka hor mariyaan lana shaqeeyaan laamaha aminaga, gaar ahaan gudiyada amniga caasimada xiliga doorashada, dhinaca musharaxiinta waxay kula dardaarmeen inay ka fogaadaan wax kasta oo xasarad iyo dad iska hor abuuri kara kara inay ka feejignaadaan maadaama xilli xasaasi ah la marayo, ayagoo sidoo kale ballan qaaday inay si buuxda u taageerayaan cid kasta oo doorashadaas ku soo baxda.
![1_27]()
|