Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Muqdisho:Xaafada Wardhiigley oo Xalay Madaafiic Lagu Garaacay.

$
0
0

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay ku soo dhacay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley, kaasoo sababay dhaawaca labo ruux dhalinyaro ah oo mid ka mid ah xaaladiisa ay liidato.

Dadka ku nool Xaafada Xamar Jadiid ayaa sheegay in ilaa xalay abaarihii 10-ka fiidnimo ay xaafadooda ku soo dhaceen saddex madfac oo sababay dhaawaca labo ka mid ah dhalinyarada xaafada ku nool.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiicda ay ku wajahnaayeen madaxtooyada, hase ahaatee lama oga halka laga soo riday, iyadoo aanay jirin ilaa iyo hada cid sheegatay madaafiicdii xalay.

Madaafiicda qaar ayaa la sheegay inay gudbeen, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dhaceen, hase ahaatee dadka ku nool xaafada Xamar Jadiid ayaa xalay u aheyd habeen murugeed, waxaana dadka qaar ay ka galeen madaafiicda shubka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha ammaanka dowladda oo ku aadan madaafiicda xalay ku soo dhacday qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley.

Dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale madaafiic ugu soo dhaceen xaafadaha degmada Wardhiigley, iyadoo degmadan ay ku taalo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo ay degan yihiin Madaxda ugu sareysa dowladda.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay isaga baxeen magaalada Muqdisho sanadkii 2011 waxay dhowr jeer madaafiic hoobiyeyaal ku soo garaaceen Madaxtooyada, kaasoo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qarax-Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles